16\Dec\2017- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday inay kormeero dhameystiran ku sameyso dhammaan dugsiyada, xarumaha iyo macaahida ay waxbarashu ka socoto Magalada Boosaso.
Kormeerkaan oo ka kooban saddex qeybood, ayaa lagu sameyn doonaa Magalada Boosaso, si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso degmada Boosaso.
Ujeedadda guud ee kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ayaa kula dardaarmay gudoomiyayaasha waxbarashada gobolka Bari iyo saraakiil katirsan wasaaradda waxbarashada inay kormeerkoodu si hufan usoo gutaan islamarkaana ay natiijo wax ku ool ah kusoo celiyaan xarunta dhexe ee wasaaradda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed C\qaadir Cismaan ayaa maanta la kulmay Maamulada Dugsiyada Hoose,Dhexe iyo Sare ee magaalada Bosaso,ka dib markii uu shalay agaasimaha iyo Wafdi uu hogaaminayo ay soo gaareen magalada Bosaso.
Agaasimaha ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay tahay in Wasaaraddu ay ogaato habsami u socodka Waxbaarshada,tayada iyo baahiyaha jira,waxaana uu xusay in Mas’uuliyiinta Wasaaraddu ay kormeer ku mari doonaan guud ahaan Gobolada Puntland.
Waxaa xusid mudan in agaasimha iyo Wafdigiisa ay sidoo kale kormeer ku tageen Xafiiska Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Bari,waxaana agaasimaha socdaalkiisa ku weheliya;- Agaasimaha Waxbarashada Tooska ah Marwo Maryan Jaamac xuseen ee Wasaaradda Waxbarashada iyo ,Madaxa madaxa kormeerka Cabadulahi xuuxule Nuur Ciiro Jaamac Bulshaale iyo Xabiib’’ iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Waxbarashada Degmada Boosaso.
Agaasimah Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Maxamed C\qaadir Cismaan iyo Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka bari shamis Muuse Maxamed ayaa maanta kormeer ku tagay Dugsiga sare ee Bosaso ‘’Bosaso Public Secondary School’’ Dugsiga sare imaamu Nawaawi, iyo Dugsiga sare imaamu shaafici, Dugsiga sare Xaaji yaasiin, Dugsiga sare ee biyo kuluule iyagoo dhaamaan la kulamay maamulayaasha..
Magalada Boosaso ayaa ahmiyad gaara u leh waxbarashada Puntland iyadoo ay ka furanyihiin Goobo Waxbarasho oo aad utiro badan oo iskujira Waxbarshada asaasiga ah macaahid, Jaamacado, Daaro quraano.
Magalada Boosaso ayaa ka yimada aradyda ugu badan oo dugsiyada sare imtixaanka fariista.sidoo kale waxaa ka howl gala macalimiin aad u farabadan.
Hoos ka Daawo Sawiradda
By; Deeq Hurevov
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare