Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeer ku maray Gobolka Sanaag Sida Ceel Buuh, Badhan, Hadaftimo, Midigala iyo tuulooyin kale oo badan.

15\12\2017- Si loo ogaado, qaabka ay waxbarashadu ugu socoto gobolada kala duwan ee Puntland, horumarka iyo caqabadaha jira waxay Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare ee dawladda Puntland ay xoojisay hannaanka u kuurgalidooda,tallaabadaas oo sidoo kale dhabada u xaaraysa in la ogaado baahida dhabta ah ee ka jirta, deeganada  fog fog iyo  in la adkeeyo meelaha dabacsan.

Agaasimaha guud ee Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliint sare  dawladda Puntland  oo ay wehliyaan Madaxa Manahijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Nuur Ciiro iyo saraakiil ka tirsan Wasaarada ayaa kormeer iyo qiimayn ah ku maray gobolada ,hailand iyo Sanaag waxaana deegaanada iyo degmooyin uu tagay uu kula kulmay bahwada waxbarshada oo ay ugu horeeyaan guddoomiyayaasha Waxbarasahada gobolka, iyo gudoomiyaha Waxbarashad Degmada Badhan , kormeerayaasha, maamulayaasha, macalllimiinta, ardayda iyo waalidiinta Gobolka Sanaag.

Waxana halkaa Gobolka Sanaag ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Murwo Xayaad Maxamud Maxame iyadoo ka warbixisay Xaladaha Waxbarashada Gobolka Sanaag.

Kormeerka oo maalmo qaatay waxa uu ka bilaabay magaalada Qardho, halkaas oo kulamo kala duwan oo qiimayn ah kula qaatay bahda waxda waxbarshada oo u xog waramay dhammaan baahiyaha  jira ee dhanka waxbarashada iyo horumarka la sameeyay, intaasi kadibna waxa uu ugu sii gudbay Degmada Hadaaftimo.

Agaaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarshada dawlada Maxamed cabdulaaqir cismaan ayaa waxaa uu u mahad celiyey bulshada reer Sanaag Kana dhagaysatay Warbixino iyo caqabadaha hortagan Waxbarashada dhinaca kale agaasimaha ayaa Booqday Jaamacada Maakhir oo meel fiican maraysa.

Gobolka Sanaag ee Puntland waxa uu ka mid yahay gobolada waxbarashadiisa kor u soo kacayso muhiimna  u ah waxbarashada Puntland waxaa sandkaan goobaha  waxbarasho u dareeray in ka badan kumaan kun oo arday oo iskujra Dugsiyada hoose\dhaxe iyo kuwa sare iyo Jaamacada Maakhir.

Waftiga uu hogaaminayo agaasimaha Guud iyo gudoomayaha Waxbarashada Gobolka Sanaag ayaa booqday dugsiyada sare Al Furqaan Badhan,Dugsiga sare Al Nuur Badhan, Hadaftimo secondary  iyo Dugsiga Hoose dhaxe Al Raxma ee agoonta dhamaan la kulmay maamulayasha Dugsiyadaas iyo iskuulo kale oo badan oo kuyaal degaanka.

Agaasimaha ayaa kala hadlay arimaha waxbarashada iyo lacagtii loo qoondeeyey wadada Ceel Daahir.

Kormeerka degaanada fog fog ayaa ah kii ugu balaarna oo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ku tago xiligii ka dib Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax siciid Juxaa kormeerkaa oo ahaa xiligaa 2013kii.

Agaasime Maxamed C\Qaadir Cismaan aya noqday shakhsigii labaad oo si rasmi ah u taga degaanada fog fog oo ah Gobolka Sanaag iyo Haylaand si u soo ogaado Baahiyaha Waxbarashada ka jira iyo hormarka laga samayeyey.

                                             Hoos ka Daawo sawiradaIMG_1511 IMG_1518 IMG_1528 IMG_1532 IMG_1534 IMG_1538 IMG_1542 IMG_1553 IMG_1556 IMG_1557 IMG_1560 IMG_1563 IMG_1568 IMG_1575 IMG_1577 IMG_1578 IMG_1580 IMG_1587 IMG_1604 IMG_1610 IMG_1621 IMG_1626 IMG_1647 IMG_1653 IMG_1657 IMG_1660 IMG_1698 IMG_1700 IMG_1728 IMG_1763 IMG_1773 IMG_1789 IMG_1802 IMG_1824 IMG_1844 IMG_1853 IMG_1894 IMG_1905 IMG_1906 IMG_1916 IMG_1925 IMG_1487 IMG_1498 IMG_1499 IMG_1500

By; Deeq Hurevov
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top