Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Ka Daah furay magalada Garowe imtixaankii shahaadiga ah ee Dowlda Puntland.

Guddoomiyaha Barlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali ayaa maanta  daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland, isagoo ka daahfuray dugsiga sare  Gambool ee magaalada Garowe.

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland waxaa ka qayb galay  Arday isugu jira wiilal iyo gabdho oo tiradooda dhan tahay 12,687, xarumaha lagu gelayo imtixaanaadkan tiradoodu waxay dhan tahay 85- xarunmood.

Sidoo kale waxaa imtixaanka kormeeraya 99- kormeere, iyadoo ay imtixaanka ilaalin doonaam mudada uu socdo 635-macallin oo kamid ah macaliinta Puntland.

Agaasimaha imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamed Warsame (Saahid) ayaa sheegay  inay madaxda Puntland iyo madaxda wasaaradda waxbarashadu u kala safreen magaalooyinka waaweyn ee Puntland, halkaas oo ay si rasmi ah uga daahfureen intixaanka shahaadiga ee midaysan .

Axmed Saahid wuxuu sheegay inuu imtixaanku si nabad gelyo ah ku gaaray dhammaan gobolada Puntland islamarkaana ay  Wasaaradda waxbarashadu aad uga taxadartay ilaalintiisa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa maalin taariikhihi ah ku tilmaamay furitaanka imtixaaanka shahaadiga ee Puntland, isagoo qiray inay wasaaradda waxbarashada masuuliyad weyn iska saartay sidii imtixaan midaysan loo qaadi lahaa, taasoo ah guulaha ay ku dhaarato wasaaradda waxbarashada Puntland.

Guddoomiyaha Barlamaanka dowladda  Puntland  oo la hadlay Ardayda ayaa u sheegay inuu ka rajeynayo inay soo bandhigaan kalsoonidoodii aqooneed  islamarkaana ay muujiyaan dadaal wanaagsan, wuxuuuna ugu duceeyay inay kaalin wanaagsan ka galaan imtixaanka.

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa ku booriyay Wasaaradda waxbarashada inay Ardayda kaalimaha sare  gala ku abaal mariyaan fursado waxbarasho oo gudaha iyo dibada ah. Wuxuu ugu dambayn Ardayda ku booriyay inay waxbarashadooda sii wataan si ay mustaqbalka dhow u noqdaan hogaamiyayaasha dalka.

Hoos Ka Daawo Sawiradda


Scroll to Top