Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar u soo xirtay Maamulayasha iskuulada Tuulooyinka iyo Gudigooda Waaridiinta

17/12/2016- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland  Maxamed Abdulaqadir Cismaan oo u soo xiray Tababar Maamulayasha iskuulada iyo Gudiga Waaridiinta Waxbarashada ee iskuulada kala Duwan ee Gobolada puntland.

Tababarkan ayaa Socday Mudo afar bari ah oo Ahaa Emergncy of Education..

Tababarkaan oo lagu falanqaynayay kor u qaadista Waxbarashada Maamulka iyo Gudiga Waaridka ayaa mudadii uu socday  waxaa aad loogu lafaguray kaalinta kaga aadan Masuuliyiinta Iskuulaadka, Macallimiinta iyo waaridiinta, iyadoo laga eegayay dhinacyo badan oo kala duwan, waxaana ugu dambayntii la isku raacay inay u tahay muhiim bulshada.

Waxana  ka hadlay Agaasimaha Guud Maxamed Abdulqadir Cismaan oo Tababarkan u soo xiray  wuxuuna  ka hadlay muhiimada ay Waxbarashada u leedahay iskuulada Iyo Waaridka .

Wuxuu kaloo mahad usoo jeediyey waalidka oo ah xubinta ugu muhiimsan marka laga hadlayo waxbarashada ardada iyo koontaroolkooda wuxuuna ku booriyey in ay waalidku ku koontaroolaan inay ubadkoodu ka faa’iidaystaan Waxbarashada

Ujeedada Tababarka ayaa ahaa

Gudiga Waaridiinta ayaa Waxaa lagu Tababarayey doorka ay ku leeyihiin iskuulada iyo sidii ay ugu qareemi lahaayen iskuulka hormarkiisa,iyo Markey Abaaruhu jiraan sidii ay ula Macaamili lahaayen bulshada Iskuulka ku xeeran.

iyo Waaridiintu inay ku khasbaan caruurtooda Waxbarashada.

Sidoo kale Maamulayashan iyo Gudiga Waaridiinta ayaa aahaa kuwa Tababarkan ka faaidaysanaya, oo saamayntu ku yeelatay Abaartu oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda UNICEF ay Qiimayn ku soo Sameeyen Sanadkii Dhawayd.
Hoos Ka Daawo Sawiradda.

dsc01031 dsc01029 dsc01038 dsc01021 dsc01024 dsc01036 dsc01027 dsc01024 dsc01040 dsc01022 dsc01020 dsc01018 dsc01017 dsc01040dsc01040dsc01017

 

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top