17/07/2016 -Ku-simaha agaasimaha guud Cabdulqaadir Yuusuf Nuux ahana Agaasimaha Waxaada Taya-Dhawrka iyo Kormeerka Guud ee Wasaaradda iyo Tacliinta sare ayaa wuxuu u soo xiray tababar laba maalmood ah oo ku saabsan qoridda mananhajka Waxbarashada Puntland 10 xubnood oo uga socday Hoteelka Gobsoor ee magalada Garowe. Tababar kaas oo ku saabasanaa horumarinta manhajka iyo qoridda mawduucyo muunado ah (Prototype Materials) oo ah buugaag yar yar.
Tababarkan waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ay caawineyso Hay’adda la yiraahdo, EAT (African Education Trust) oo dhanka Wasaaradda waxbarashadda kala shaqaysa.
Waxa inta uu socday Tababarku lagu soo bandhiagy ama lagu buugaag loogu talagalay iney daboolan baahida ay u qabaan Macalimiinta iyo ardayda.
Ujeedadda Tababarkaan ayaa waxaa uu ahaa muhiimadiisu
- Waxa tababar u tahay qorayaasha buugta Manhajka cusub
- -Waxay kaloo khibrad ama Tababar u tahay Macalimiinta Manhajka fulinaysa oo u gudbinaysa ardayda.
- Waxay kaloo fudadayanaysaa in la is bar bar dhigo manahajkaan cusub ama in la qiimeeyo waxa uu manahajkii hore kaga fiicanayanahy.
- In lagu tijaabiyo barashada aradyayga iyo barrida macalinka si loo qiimayo waxaa manhajkani dheer yahay manhjkii hore
Maxamed Cali Waa bari oo ah Madaxa Haya’da EAT (African Education Trust) ayaa marka hore u mahad celiyay qoraayasha Manhajka oo tababarkan si fiican uga faa’iidaystay , waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in la helo buugaag Tayo leh oo fahmi karo macalinka iyo Ardayga.
Dhinaca kale Kuliyada Tababarka Macalimiinta ee GTEC ee Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare ayaa Waxaa tababar loogu qabtay macalimiin ka howl gala kuliyadda Tababarka Macalimiinta ee GTEC iyagoo loogu Tababarayey Qaab dhismeedka Manhajka cusub.
Macalimiinta ayaa la rabaa inay fahmaan Manhajka cusub una gudbiyaan macalimiinta say ay Tabaraan macalimiinta ku xaraysan kuliyadda.
Macalimiintaas oo hadhow u gudbinaya aradayadooda si ay ula qabasadaan Manahajaka cusub ee Wasaaradda Waxabarashadu soo wado.
Daawo sawiradii macalimintii Qaab dhismeedka manhajka lagu tababarayey oo isla Wadeen Wasaaradda Waxbarsahada iyo Haya’dda EAT oo GTEC Lagu qabtay.
By:Deeq Maxamed Warsame.
Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.