Xuska Sanadguurada 13 Aad Ee Puntland Oo Si Weyn Loga Dabaaldagay Caasumada Puntland

Garoowe:- Waxaa maanta goobta caanka ah ee Barxadda Garoowe lagu qabtay munaasabad si wayn loo soo agaasimay oo lagu xusayo sanadguurada 13-aad ee asaaska Puntland waxaana si wayn halkaasi M-wayne Faroole salaan sharaf u siiyay cutubyo si wayn loo diyaarshay oo ka tirsan ciidanka Puntland noocyadiisa kala duwan, waxaana halkaasi maray dhalinyaro, ciyaartoow, xaafadaha magaalada iyo dhammaan qaybaha bulshada kala duwan kuwaas oo qabay labis aad u qurxoon.

Dabaaldagan ayaa ahaa kii ugu balaarnaa ee lagu qabtay caasimada Puntland ee Garoowe waxaana dhamaan shacabweynaha reer Puntland ka muuqatay sanadkaan niyad wanaagsan iyo jaceyl wadaniyadeed oo ay uhayaan maamulkooda ,tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee Somaliya waxay shacabka iyo madaxda reer Puntland dadaal dheer ugu jireen  ka shaqeynta iyo xal uraadinta nabad waarta oo ka dhalata guud ahaan gayiga Somaliya iyagoo dadaal dheerna muujiyay guud ahaan Puntland ayaa manta ah mesha kaliya ee xudun ah soomaliya ee nabdoon iyagoo ay ku noolyihiin kumayaal kun oo barakacayaal kuwasoo kasoo cararay dagaalada aafeeyay koonfurta Somaliya .

Sidoo kale habeenimadii waxaa xaflad si weyn loo soo agaasimey ka dhacdey xarunta madaxtooyada Puntland halkaasoo uu khudbad ka akhriyey madaxweyne Cabdiraxman Maxamad Farole.

Munaasabadaas oo ka koobneyd suugaan, Heeso iyo khudbado ayaa waxaa khudbad ka jeediyey Madaxweynaha Puntland iyadoo ay kasoo qayb galeen marti sharaf kala duwan.

Dhinaca kale munasabadaas lagu xusayey 13 guuradii Puntland ayaa waxaa si toos looga daawanayey daafaha caalamka.

Gabagabadii xaflada sanadguurada ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan iayadoo ay dhamaan shacabka ay si nabadgalaya ah ay halka uga dareereen.

 

Amaal Abdilahi

Ministry of Education Punt land Somalia

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top