Xuska Maalinta Caruurta Afrika Oo Si Weyn Looga Xusay Garowe

Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland maanta waxaa si weyn looga xusay 16ka June oo ku began xuska maalinta caruurta ee Africa waxaana xaflad xuskan qayb ka ah uu ka dhacay maanta xarunta wasaarada waxbarashada Puntland ee magaalada Garoowe oo aad diirada loogu saaray dhibaatooyinka Caruurta Soomaaliyeed ee naafada ah iyo wax u qabashadooda.

Xafladan oo qayb ka ahaa xuska 16 June ee maalinta caruurta Africa oo maanta sidan oo kale Calamka oo dhan looga wada xusayay ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno farabadan oo ka socday qaybaha bulshada Puntland ee Soomaaliyeed, Xubnaha wasaarada waxbarshada Puntland sida Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland, Agaasimaha Waaxda waxbarashada gabdhaha ee wasaarada waxbarashada Puntland, Lataliyaha wasaarada waxbarashada ee dhinaca waxbrashada gabdhaha, Madexa waaxda baahiyaha gaarka ah ee waxbarashada, xubno ka socday dugsiyada wax lagu baro dadka naafada ah ee gobolkan Nugaal, Macalimiinta dugsiyada waxbarshada, waalidiin, dhalinyaro, Abwaano Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ardayda naafada ah, waxaana munaasabadan laga soo jeediyay khudbado farabadan oo dhamaantood si gaar ah uga hadlayay dhibaatooyinka caruurta Naafada ah ee Soomaaliyeed ay la kulmaan iyo kaalmada ay bulshada iyo maamulkaba uga baahan yihiin.

Maxamed C/wahaad Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland oo xafladdan daah furay ayaa aad ugu dheeraaday qiimaha gaarka ah ee uu leeyahay xuska maalinka caruurta Africa eek u began 16 June ee sanad walba, wuxuuna agasimuhu tilmaamay in kulan maanta uusan ahayn oo kaliya xuska maalinta caruurta Africa ee uu xambaarsan yahay ahmiyad gaar ah oo ah in la isku baraarujiyo dhibaatooyinka caruurteena Soomaaliyeed ee Naafada ah haysata iyo kaalmooyinka ay inooga baahan yihiin.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in jiraan caruur farabadan oo naafo ah kuwaas oo aan haysan xuquuqdii ay u lahaayeen in ay helaan waxbarasho dhamaystiran, Caafimaad tayaysan iyo adeegyadii asaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen, wuxuuna tilmaamay in ay meesha ka maqan tahay gudashada masuuliyadii caruurtan ka saarnayd guud ahaan umada Soomaaliyeed gaar ahaana Ganacsatada, Masuuliyiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, Dawlada iyo qaybaha bulshada.

Maxamed C/wahaad Axmed Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland wuxuu ku booriyay dhamaan xubnihii xafladkan ka soo qaybgalay ee dhinacyada kala duwan ee bulshada matalayay iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo uu fariintan u mariyay warbaahinta wuxuuna ugu baaqay in cid walba meesha kaga quman(aadan) gudahashada waajibaadkan ka saran gacan qabashada caruurta ka qabato hawsha islamarkaana ay ka soo baxdo masuuliyadeeda gaarka ah ee saaran, kuna fekerto in caruurtan naafada ah ay la mid yihiin kuwa caafimaadka qaba ee ay sida joogtada uga taxadaraan waxbarashadooda, Caafimaadkooda iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

Agaasimuhu wuxuu tilmaamay in wasaarada waxbarashada Puntland ay dadaal dheeraad ah ku bixisay gacan qabashada caruurta naafada ah eek u dhaqan gobollada Puntland kuwaas oo qaarkood si aan badnayn ay waxbarashada uga qaybgalaan.

Maamulaha Machadka Al-basar ee indhoolayaasha  C/naasir Guureeye Kaarshe oo Xafladdan ka hadlay ka hadlay dhibaatooyinka dadka naafada ah haysta iyo waxtarka ay leeyihiin hadii la gacan qabto oo wax loo baro sida waalidku uu kuwa lixaadka qaba uga taxadaro waxbarashadooda iyo caafimaadkooda.

Dalmar Guureeye Kaarshe Maamulaha Machadka Al-basar ee indhoolayaasha wuxuu sheegay in qoyska ka kooban 10-ka caruurta ahi uu qiyaastii mid ama labo kamid ah ay yihiin naafo sidaas darteedna ay muhim tahay in waalidku uu xaq dhawro caruurtooda naafada ah iyo kuwa soomaalinimada iyo muslimnimada kula walaaltoobay ee deegaanka la jooga.

Xubnihii munaasabadan ka hadlay waxaa ka mid ahayd Faadumo Shukri Axmed Koronto oo ah Agaasimaha waaxda waxbarashada gabdhaha ee wasaarada waxbarashada Puntland waxayna aad uga sheekaysay dhibaatooyinka dhinaca nolosha ah ee haysata caruur farabadan oo ku nool gobollada Puntland iyo dhibaatooyinka kale ee ay kala kulmaan goobaha dadka badani ay isugu yimaadan oo ay ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada oo lagu faquuqo ama lagu takooro eenta uu alle u yaalay islamarkaana caruurta kale uu kala kulmo cay ito takoor farabadan oo ay ku dhaliilayaan hadba sida uu wax u qabo.

Agaasime Faadumo waxay bulshada xasuusisay qiimaha uu qofka nooli leeyahay iyo xuquuqda uu u leeyahay in uu helo adeegyada asaasiga u ah nolosha ee uu u baahan yahay.

Faadumo waxay sidoo kale aad uga sheekaysay dadaalka wasaaradu ay ku bixisay waxbarshada gabdhaha gaar ahaana kuwa naafadaha ah ee isugu jira Indhoolayaasha, dhagooliayaasha, Curyaamada, kuwa dhimirka la’ iyo dhamaan inta la midka ah.

Sahra Axmed Koshin oo ah lataliyaha dhinaca waxbrashada gabdhaha ee wasaarada waxbarashada Puntland oo ka mid ahayd xubnihii xafladna ka hadlay ayaa faahfaahisay dhibaatooyinka caruurta naafada ah ee wasaaradu ay tirakoobka ku samaysay waxayna ka qaybgalayaasha u soo bandhigtay dhawr gabdhood oo naafo ah kuwaas oo ay ka muuqdeen dhobaatooyin farabadan oo la xiriira aragtidooda iyo lixaadkooda kale waxayna xaqiijisay in gabdhahani ay ka mid yihiin naafada gobollada Puntland ee dhibaatooyinku ay haystaan una baahan in wax loo qabto.

Munaasabadani waxay qayb ka ahayd xuska maalinta caruurtaAfricaee ku aadan 16 june ee sanad walba maantana laga wada xusay qaaradaAfrica.

 

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top