Xayeysiin Shaqo: Maamulaha Dugsiga Sare ee Dangorayo.

Dawladda Puntland ee Soomaliya
Wasaaradda waxbarashada Tacliinta Sare

دولة بونتلاندي الصومال
وزارة التربية والتعليم العاليه
PUNTLAND GOVERNMENT OF SOMALIA
MINISTRY OF EDUCATION & HIGHER EDUCATION
Xayeysiin Shaqo: Maamulaha Dugsiga Sare ee Dangorayo.
12\julay\ 2018- Maamulah dugsiga sare ee Dangorayo wuxuu ma’suul ka noqonayaa dhammaan shaqooyinka la xiriira habsami u socodka iyo hirgalinta arimaha dugisga. Maamuluhu wuxuu warbixinta siinayaa kana hoos shaqeynayaa Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Dangorayo. Wuxuu sdioo kale wada shaqeyn fiican la yeelan guddiga waalidiinta Waxbarshada, Macalimiinta, Maamulka degmada iyo dhammaan bah-wadaagta waxbarshada ee degmada. Waxaa mas’uuliyadihiisa ka mid noqon doona;
• Wuxuu mas’uul ka yahay qorshaha horumarinta Dugsiga.
• Wuxuu mas’uul ka yahay maamulidda iyo fulinta manhajka waxbarasho ee Puntland iyo Muqararka Dugsiyada sare.
• Wuxuu Mas’uul ka yahay Maamulka shaqaalaha Dugsiga sare, wuxuuna u kala qeybin shaqada maalinle ha ah, isagoo xaqiijinaya in qof walbaa shaqadiisa u gutay sifiican.
• Wuxuu maamulayaa dhammaan maaliyadda, dadka iyo waqtiga, wuxuuna hubinayaa in sifiican looga faa’iideystay.
• Wuxuu xog-heyn u noqonayaa Guddiga waalidiinta ee Waxbarashada, wuxuuna agaasimin,shararka guddiga, sidoo kalena wuxuu kaydint dhammaan macluumaadka shirarka guddiga.
• Wuxuu xiriir la sameyn, kala shaqeyn waxbarashada dhammaan kormeerayaasha heer dugsiga, degmo iyo Gobol.iyo guddoonka waxbarahsda degmada iyo guddoonka waxbarshada Gobolka.
• Wuxuu siin/bixin doonaa ugu yaraan hal xaasad, si uu u noqdo mid lagu dayan karo.
Shurudaha Maamulaha Dugsiga Sare looga baahan yahay
• Waa in uu haystaa Shahaado Jaamacadeed oo heerka labaad ah.
• Waa in uu horey ugu soo shaqeeyey ku-xigeen Maamule Dugsi sare ugu yaraan 5 sano.
• Waa in uu Yahay Macalin tababar qaba/ tababaran, haystana shahaado la xiriirta maamulka dugsiyada oo ugu yaraan 3 asbuuc ah.
• Waa in uu leeyahy Xirfad iyo karti la xiriira maamulka Waxbarasho
• Waa in uu u leeyahay fahan fiican maamulka waxbarashada Puntland, hanaanka waxbarasho, siyaasadaha iyo shuruucda isla markaana leeyahay sifo hogaamineed.
Qaabka codsashada:
Ciddii danaynaysa waxay araajideeda oo dhammaystiran iyo shahaadooyinka/caddeymaha ku soo dirayaan ciwaanadaan soo socda; dhallo2002@gmail.com iyo bartacayn@gmail.com si wada jir ah. Ugu danbeyn 15th Juulaayo 2018.

By:Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

 

Scroll to Top