Wejiga 2-aad ee Shirka Wadatashiga heerka Qaran oo Garoowe ka furmay

Waxaa maanta abaare 4:00 galabnimo ka furmay magaala-madaxda Puntland ee Garoowe wejiga 2-aad ee shirka wadatashiga ee looga arinsanayo Dastuurka qaran ee Soomaaliya, shirkaas oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada KMG ah ee Soomaaliya, Puntland, Galmudug, iyo qaar kamid ah maamulada kale ee dalka ka jira.

Sidoo kale waxaa shirkaas kasoo qayb galay wufuud ka socota Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha kale ee Caalamiga ah, waxaana shirka furay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo dhamaan kasoo qayb galayaasha  u dardaarmay cabsida ilaahay Soomaalida kalena ilaah uga baryey inuu qalbiyadooda isu soo dumo si dalku nabad iyo barwaaqu ugu caano maalo.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo isagu khudbad dhinacyo badan taabaneysey halkaas ka jeediyey ugu horeyna u mahad celiyey Wufuuda tirada badan ee shirkaas kasoo qayb galay islamarkaana sheegay in qabashada shirkani uu shacabka Puntlnad iyo maamulkoodaba sharaf weyn u yahay.

Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sidoo kale sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah qiime weynna ugu fadhida Puntland iyo Soomaaliya, isagoo intaas raaciyey in shirkani uu yahay talaabo weyn oo horey loo qaaday si Soomaaliya nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo.

Madaxweynaha Puntland waxa kale oo uu soo hadal qaaday in qabsoomida shirkani ay tahay mid dowlada iyo shacabka Puntland ay wakhti, maskax, iyo dhaqaale tira badan geliyeen iyaga oo ujeedadoodu tahay inay marti geliyeen shirweyne guud oo ay isugu yimadaan dhamaan dhinacyada Soomaalidu.

Mr Faroole oo khudbadiisa  arimo badan kusoo hadal qaaday ayaa mahad balaaran usoo jeediyey intii isku howshay qabanqaabada shirkan iyo weliba sidii uu si habsami leh ugu qabsoomi lahaa gaar ahaan ciidamada ammaanka ee Puntland oo iyaga uu madaxweynuhu sheegay inay qoraxda u taagan yihiin mar walba heegan u yihiin sidii ay ammaanka shirka u sugi lahaayeen.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top