Wefdiga Jabuuti Oo Booqday Qaar Kamid Ah Xarumaha Dowladda

Wefdigan oo uu horkacayo wasiirka cadaaladda ee dalka Jabuuti ayaa waxaa kormeerkooda ku weheliyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamed Cali Shire.

Waxaana goobaha ay maanta booqdeen kamid ah xarumaha wasaaradaha waxbarashada, arimaha gudaha, Baarlamaanka, iyo madaxtooyada.

Xarunta wasaarada waxbarashada ee Puntland oo ay wefdigaasi Saxaafadda kula hadleen ayaa waxaa kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin wasaarada waxbarashada ka tirsan oo uu kamid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cabdi wahaab.

Wuxuuna sidoo kale ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay waxbarashada Puntland soo martay iyo heerka ay maanta marayso, isagoo xusay in wasaaradu ay dadaal badan ku bixisay sidii Puntland dhinaca waxbarashada looga horumarin lahaa guulo badanna ay soo hoydey.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo isagu wefdigaas ku weheliyey kormeerka ay maanta ku sameeyeen qaar kamid ah xarumaha dowlada ee Garoowe ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada ay wefdigani Garoowe kusoo gaareen.

Wuxuuna mahad balaaran u jeediyey dowlada Jabuuti iyo shacabkeedaba isagoo sheegay in Jabuuti ay mar walba tahay dowlad jecel horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed islamarkaana ay qayb weyn ka qaadatay dadaalada la rabo in Soomaaliya dib loogu dhiso.

Wasiirka cadaaladda iyo awqaafta ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo isagu wefdigan hormuud u ah ayaa isna ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida ay waxbarashadu uga qayb qaadan karto xalinta khilaafaadka iyohorumarka guud.

Mr Xaamid waxa kale oo uu Puntland uga mahad celiyey horumarka balaaran ee ay ka samaysay dhinaca waxbarashada isagoo sheegay inay tahay wax lagu faano in Puntland ay horumar baaxad leh oo dhinac walba ah ku talaabsatay.

Waa markii ugu horeysey oo wefdi noocan ah oo dalka Jabuuti ka socdaa ay magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland soo gaaraan, waxayna ujeedada ay xiligan Garoowe usoo gaareeni tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen wejiga 2-aad ee shirka Garoowe oo shalay furmay.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top