Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland ayaa Webkeeda Wasaaaradda Macluumad dheeri ah ku soo kordhisay ardayda Puntland Natiijadooda shahadadda meel kasta ay joogan.

Webka-ka Wasaaradda Waxbarashada oo casriyeyn lagu sameeyey, islamarkaana laga helayo shahaadada iyo natiijada imtixaanka dawladda Puntland ee dugsiyada sare, sannadkanna lagu soo kordhin doono imtixaanka fasalka siddeedaad, hadii Alle idmo.
Waxay u sahlaysaa in lahubiyo in shahaadada ay tahay sax, iyadoo la isticmaalayo numberka goonnidada u ah ee uu arday walba imtixaanka ku galay, waxaana ka faa’iidaysan doona waaliddiinta, jaamacadaha dalka gudihiisa ah, kuwa dalka dibaddiisa ah iyo dugsiyada sare ee meel kasta oo ay ku yaallaan Puntland iyo inta ka baxsan.
Waa guul weyn oo usoo hoyatay ummadda Puntland, si waxbarasho tayo leh oo la hubiyey loo helo.

Scroll to Top