Waxbarasho lagu sidkay tiknooloji ayaan dhiggeenna caalamka kula tartami karnaa”

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa tababbar iyo wacyigelin gaaban u qabatay macallimiinta aaladda “Learning Passport” oo ah hannaan cusub oo u fududaynaya ardaydu in ay casharrada ay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland duubtay (iyo kuwa ay duubi doonto dhawaan) ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ay ka daawadaan moobillada iyo kambuyuutarrada.
Tababbarkan ayaa waxaa ka soo qayb galay maanta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Agaasimaha Guud, Iyo Agaasime-waaxeeddada kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada.
Adeeggaan oo ONLINE ah, waxa qura oo ardaydu u baahan yihiin, si ay casharradaan ula socdaan, waa in ay Google Play Store-ka kalasoo dagaan app-ka CILMI ama ay booqdaan websaydka Puntland Learning Passport.
Tababbar gaaban oo kor loogu qaadayo kobcinta garaadka aqooneed iyo kan siyaasadeed heerka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.
Barnaamijkaan duubista casharrada online ah ayaa ka duwan kii hore, maaddaama casharradu ka badan yihiin bishii May iyo Juun.
Waxaa kaloo lagu soo siyaadiyey agabka duubista ah oo ka duwan muuqalkii hore.
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland waxa ay uga mahadnaqaysaa hay’adda UNICEF, shirkadda Microsoft iyo Jaamacadda Cambridge gacanta deeqsinnimo ee ay ka siiyeen hirgelinta adeeggaan oo wax weyn ka tari doona daboolista baahida waxbarasho ee ubadka iyo da’ yarta ku nool guud ahaan Puntland.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku rajo weyn tahay in adeeggaan uu si gaar ah u caawin doono dhallaanka ku nool xeryaha barakacayaasha iyo ilmo kasta oo laga yaabo in duruufo dhaqan-dhaqaale ka hor istaageen inuu helo waxbarasho.

“Jiil aqoon lagu barbaarshaa, bulshadu saboolnimo kaga baxdaa”.
1 - Copy

1

2 - Copy

2

3 - Copy

3

4 - Copy

4

5 - Copy

5

6 - Copy

6

7 - Copy

7

8 - Copy

8

9 - Copy

9

11 - Copy

11

12 - Copy

12

13 - Copy

13

14 - Copy

14

15 - Copy

15

16 - Copy

16

18 - Copy

18

19 - Copy

19

20 - Copy

20

21 - Copy

21

23 - Copy

23

24 - Copy

24

25 - Copy

25

26 - Copy

26

27 - Copy

27

28 - Copy

28

29 - Copy

29

30 - Copy

30

31 - Copy

31

32 - Copy

32

33 - Copy

33

34 - Copy

34

35 - Copy

35

36 - Copy

36

37 - Copy

37

38 - Copy

38

39 - Copy

39

40 - Copy

40

41 - Copy

41

42 - Copy

42

45 - Copy

45

46 - Copy

46

47 - Copy

47

48 - Copy

48

49 - Copy

49

50 - Copy

50

51 - Copy

51

52 - Copy

52

53 - Copy

53

54 - Copy

54

56 - Copy

56

57 - Copy

57

58 - Copy

58

59

60

61

62

Scroll to Top