Waxaada Waxbarashada dadban oo tababar u qabatay gudoomiyeyasha goboladda Waxbarashadda.

Garo0we: Waaxda Wasaaradda Waxbarashadda u qaabilsan hormarinta Waxbarashadda Dadban ayaa tababar u qabatay kormeerayaasha gobolada iyo gudoomiyayaasha waxbarashadda ee heer gobol.

Tababrkaan ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii kor loogu  qaadi lahaa aqoonta kormeerayaasha si ay dabagal iyo kormeer joogta ah ay ugu sameyn lahaayeen xarumaha waxbarashadda dadbani ay ka socoto.

Tababarkaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Waxbarashadda, waxaana ka soo qayb galay saraakiil ka socota xarunta dhexe ee Wasaaradda waxbarashadda, dhamaan gudoomiyayaasha gobolada, kormeerayaasha waxbarashada dadban iyo hayadaha ADRA iyo AET oo iyaguna ka mid ah hayadaha daneeya waxbarashada.

Tababarkaan ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee gudoonka Waxbarashadda ee Gobolka Nugaal. ugu horeytii waxa hadal kooban ka soo jeediyay Agaasimaha Waaxda Waxbarashadda Dadban Murwo Safiya Sugulle Maxamuud (Safiyo Maamo), waxayna sheegtay in tababarkaan uu soconayo saddex cisho laguna tababarayo casharo ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta kormeerayaasha. Sidoo kale waxay u mahad celisay maamulka cusub ee ka hanaqaaday wasaaradda waxbarashadda Puntland kaas oo ay hogaaminayaan   Wasiir Cali Xaaji Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Dr. Maxamed Cali Faarax.

Intaa ka dib, waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Sii hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Mudane Axmed Maxamud Warsame (Axmed Warsame) si uu dardaaran iyo talooyin siiyo ka soo qayb galayaasha. Mudane Axmed Saahid waxa uu halkaa ka soo jeediyay khudbad meelo badan taabanaysa taas oo ku aadan is bedelka ka dhacay wasaaradda iyo in Wasaaradu ay qorsheynayso in ay midayso dhammaan hawlaha iyo qorshayaasha ku aadan hormarinta waxbarashadda Puntland, waxaa kale uu kula dar daarmay gudoomiyayaasha  iyo kormeerayaasha ay hawlihii loo idmaday ay si wanaagsan u qabtaan xarumaha waxbarashadu ka socotana ay kormeeraan oo ka so talo bixiyaan.

Agaasimuhu waxaa uu sheegay in dhawaan ay Wasaaraddu qaybinayso agab ama qalab ay siinayso gudoomiyayaasha gobolada si ay ugu fududeyso shaqoyinka. Mudane Axmed waxa uu ugu baaqay gudoomiyayaasha in ay la socdaan in barnaamijka EMIS hawshiisii ay soo socoto in ay isha ku hayaan xogta loo baahan yahayna ay si dhab ah u soo uruuriyaan si xog dhab ah l0oga helo iskuulada.

Ugu dambeyntii agaasimuhu waxa uu furay tababarkii una mahad celiyay dhammaan dadkii soo qaban qaabiyay tababarkaan.

Daawo Sawiraddii Tababarkii.

Deeq Maxamed warsame

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Contact Number+25257743400

Deeq.hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top