Waxaa maanta magaalada Garowe soo gaaray wefdi ka socdey Midowga Yurub oo ay hogaamineyso Agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee Midowga Yurub Francesca Mosca.

Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe xarunta Puntland,waxayna kulan ay la qaateen madaxwaynaha Puntland ka dib socdaal gaaban ku tageen xarunta wasarada waxbarashada, dugsiga sare ee Ganbool iyo dugsiga farsamada gacanta.

Wafdigaan waxaa hogaaminaysay Francesca Mosca oo EU-mashaariicda u qaabilsan waxana sidoo kale qayb ka ahaa safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Marka hore waxay booqasho gaaban ku tageen Dugsiga sare ee Ganbool,halkaasoo ay kula kulmeen mamulka iskuulka iyo qaar ka mid ah ardayda iskuulkaasi,mamulaha Ganbool ayaa war bixin ku saabsan habka daruusta loo bixiyo iyo marxalada uu iskuulka marayo ka siiyay wafdigaan, waxayna ka dib kormeereen qolal cusub oo iskuulka lagu soo kordhiyay isla markasna ay bixiyeen dhaqalaha lagu dhisay.

Sidoo kale wafdigaan EU-da ka socday,waxay soo eegeen dugsiga farsamada gacanta ,waxayna halkaasi kula kulmeen Egn.Maxamad Diiriye Laalac oo ka war bixiyay waxbarashada iyo habka ardayda farsamada gacanta loo baro.

Marka uu soo dhamaaday kormeerkaasi wafdigaan waxaa loo galbiyay dhanka wasarada waxbarashada,waxana lasoo bandhigay habka waxbarashada Puntland loo maareeyo iyo kaalinta laga taagan yahay waxbarashada dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdifutaax Faarax Siciid ”Juxa”oo dabadeed marka uu socdaalka wafdigaan soo dhamaaday saxafada war bixin ka siiyay socdaalka Eu-Garowe,ayaa marka hore tilmaamay inuu salka ku hayo booqashadooda magalada sidii ay qiimayn ugu samayn lahaayeen dhaqaalihii loogu tabarucay waxbarashada Puntland.

Juxa ayaa sheegay wafdigaan inay usoo bandhigeen waxqabadka dhanka waxbarashada afartii sano ee lasoo dhaafay iyo qorsha sanooyinka soo socda sidii loo waji lahaa,wuxuna sidoo kale faah faahin wafdiga ka siiyay siday wasarada u shaqayso iyo heerarka ay tiigsanayaan mustaqbalka dhow.

Midowga Yurub ayaa ammaanay waxbashada Puntland,waxayna ku tilmaameen marka laga hadlayo waxbarashada Soomaaliya in tusaale ahaan tan Puntland loosoo qaato,isla markasna caalamka laga gado habka Puntland xooga u saartay la dirirka jahliga.

Michele Cervone,Francesca Mosca waxay aad ula dhaceen habka loo maareeyo waxbarashada Puntland,waxayna wasiirka waxbarashada iyo shaqaalihiisa ku ammaaneen qaabkay ugu hagar baxeen in latayeeyo
waxbashada Puntland.

Ugu danbayntii masuuliyiintaan ka socday Midowga Yurub waxay xariga ka jareen xafiis cusub oo ku dhexyaala wasarada waxbarashada kaasoo la sheegay inuu yahay xafiiska lagu mamulayo dhaqalaha EU-da ugu deeqday waxbarashada Puntladn,waxana mashruucaasi la yiraahdaa ”waxbarashadu waa Iftiin”.

Wafdigaan ayaa  hore kasoo socdaalay magalada muqdisho, waxayna ilaa caawa kulamo kala duwan la qaadanayaan qaybaha bulshada rayidka,waxayna maalinta barito ah u duuli doonan magalada Baydhabo oo ay kormeerayaan xaalada shacabka iyo deegaanka.

 

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top