Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland oo maanta xilka wasaradda wareejiyay

23/jun/2015- Wasiirkii hore ee Wasarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Cali Xaaji Warsame ayaa xilka ku wareejiyay wasiir ku xigeenka waxbarashada DR.Maxamed Cali Faarax maadama wasiirkii cusbnaa uusan wali soo gaarin wadanka.

Munaasibadda xil wareejinta oo lagu qabtay wasaradda ayaa waxaa kasoo qayb galay Saraakiil ka socda Hay’adaha wasaradda waxbarashada la shaqeeya, shaqalaha xarunta dhexe, xildhibaano ka socday Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

XilUgu horayntii Agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashada ayaa goobta kasoo jeediyay war bixin faah faahsan oo ka hadlaysa mudadii uu Cali Xaaji Warsame xafiiska joogay waxa qabsoomay oo ay ka mid tahay dib u eegista hanaanka shaqo ee wasaradda, manhajka waxbarashada, xoojinta tababaradda macalimiinta iyo kor u qaadista shaqooyinka wasaradda, sidoo kale waxaa goobta laga sheegay si kor loogu qaado waxbarashada tacliinta sare in wasiir Cali Xaaji uu sababay in wasaradda magaca laga badalo oo laga dhigo (Wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare).

Qaar ka mid ah masuuliyiintii munasibadda lagu marti qaaday ayaa qiray in Cali Xaaji Warsame intii uu joogay wasaradda waxbarashada waxqabad muuqda uu soo kordhiyay ayna mudan tahay in lagu tixgaliyo.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada DR.Maxamed Cali Faarax oo xilka si KMG ah ula wareegay ayaa dhankiisa sheegay in wax la taaban karo uu wasaradda kusoo kordhiyay wasaradda Cali Xaaji Warsame sidoo kale waxa uu sheegay Cali in looga baahan yahay inuu mar kasta sidii uu shacabka ugu addeegi jiray ugu sii addeego.

Wasiirka xilka wareejiyay ee Cali Xaaji Warsame ayaa dhankiisa u mahad celiyay madaxwaynaha Puntland oo xilka ka qaaday, wuxuna tilmaamay xilku inuu meerto yahay oo aan lagu dhigin, isagoona goobta kasoo jeediyay wixii u qabsoomay mudadii uu xafiiska fadhiyay, sidoo kale wasiir Cali Xaaji Warsame ayaa ka dardaarmay Kulliyadda Tababarka Macalimiinta Puntland ee GTEC taasoo uu sheegay inay tahay qayb ka mid ah wasaradda oo soo saarta macalimiin tayo leh.

Wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa ka mid ahayd wasaaradihi kaalmaha wanaagsan ka galay qiimaynta waxa u qamsoomay sanadkii hore ee 2014.

         Hoos Ka Daawo Sawiradda

IMG_8173 IMG_8174

IMG_8176 IMG_8184 IMG_8185 IMG_8190 IMG_8193 IMG_8195 IMG_8197 IMG_8203 IMG_8208 IMG_8214 IMG_8215 IMG_8221 IMG_8226 IMG_8250 IMG_8257 IMG_8262 IMG_8269

IMG_8280 IMG_8281 IMG_8285 IMG_8286

Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

By Deeq Maxamed Warsame.

Scroll to Top