Wasiirka waxbxarashada iyo tacliinta sare Puntland oo soo xiray tababar loo furay maamulayaasha iyo Macalimiinta waxbarashada Dad-ban.

05/Nov/2015-Wasaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland ayaa tababar socday mudo shan cisho ah waxay Garowe ugu qabatay Maamulayasha waxbarashada dadka waa weyn.

Tababarkan oo ahaa mid sare loogu qaadayo Tayada Aqoonta Maamulayaasha Waxbarashada dad-ban ayaa waxaa kasoo qayb galayaashii tababarka tilmaameen inay aad ugu faraxsan yihiin macluumaadka iyo casharada la siiyay.

Bilowgii tababarka waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socdey Wasaarada Waxbarashada Puntland iyagoona dhiiri geliyay aqoonta guud ahaan Macalimiinta Dusgiyada Puntland ee Waxbarashada dadka waawayn.

Agaasimaha waaxda waxbarashada dadka waa weyn Safiyo Sagulle ayaa xiritaankii tababarka sheegtay in tani ay qeyb ka tahay hormarinta waxbarashada Dalka. Tababarkaan waxaa ka faa’iideystay 80 macalin oo ka kala yimi gobaladda Puntland.

Madaxa Hay’adda ADRA Puntland oo la yiraahdo Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay tababarka noocaan oo kale inuu sii socon doono, waxa kale uu sheegay Jaamac Tababarkan inuu qayb yahay mashruuca waxbarashadu waa Iftiin oo ka socda Puntland, kaasoo ay maalgalisay Midowga Yurub, waxa kale uu la dardaarmay kasoo qayb galayaasha tababarka isagoona sheegay inay muhiim tahay in looga faa’iideeyo dadka waa weyn ee ku mashquulsan waxbarashada.

Wasiirka waxbarashadda Puntland Abshir Aw-ciise Ciise oo tababarka soo xiray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay casharada kala duwan ee kasoo qayb galayasha la siiyay, wuxuna sheegay waxbarashada dad-badan inay ka mid ahayd waxyaabihii lagu soo bad baaday ayna la mid tahay waxbarashada tooska ah, wasiirku waxa uu tilmaamay inay xoojin doonaan waxbarashada noocaan oo kale ah, lana sii badin doono tababaradan.

Tababarkan ayaa xooga saarayay Manhajka waxbarashada dad-badan, fullinta barnaamijka waxbarashada dad-badan, qaabka dadka waa weyn wax loo baro, habka iyo tabaha loo addeeg sado marka dadka waa weyn wax la barayo, manhajka cusub ee barnaamijka waxbarashada dad badan heerka koowaad ilaa heerka labaad iyo is-bar bar dhiga waxbarashada dad badan iyo tan tooska ah.

                    Hoos Ka Daawo Sawiradda
1

IMG_2686

IMG_2688

IMG_2691

IMG_2693

IMG_2694

IMG_2698

IMG_2700

IMG_2701

IMG_2703

IMG_2707

IMG_2709

IMG_2713

IMG_2715

IMG_2717

IMG_2738

IMG_2747

IMG_2752

IMG_2758

IMG_2760

IMG_2770

IMG_2778

 by Deeq Maxamed WarsameEmail.Deeq.hurre99@Gmail.comTell- +25257743400

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top