Wasiirka waxbrashada dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame iyo Wasiir ku xigenka Wasaaradda Waxbarashadda oo Maxamed cali faarax u ambo baxay dalka Suudaan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame iyo ku xigeenkiisa Dr Maxamed Cali Faarax  ayaa  u ambo baxay dalka Suudaan oo uu ka helay casuumaad rasmi ah. Waxa wasiirada wa heliyaa oo raacay wasiirka wasaaradda cafimaadka Dr saadiq enow iyo agaasime waaxeed ka tirsan wasaaradda cafimaadka.

Safarkaan oo noqonaya markii ugu horeysay oo ay mas’uuuliyiinta waxbarashadu aadaan Suudaan ayaa waxay dalkaas kalasoo hadlidoonaan arimaha ay kamid yihiin deeqihii  waxbarasho oo ay ardayda reer Puntland ka heli jireen dowladda Suudaan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tirada arayda ee sanad walba  hela waxbarashada Suudaan.

Wasiir Cali Xaaji iyo ku xigeenkiisa ayaa maalmo kooban waxay ku sugnaandoonaan dalka Suudaan iyagoo kadibna ugasii gudbidoono dalka Belguim halkaas oo la filayo inay uga qeybgalaan shir la xiriira arimaha waxbarashada Puntland.

Socdaalka waftigaan wasaaradda waxbarashada ayaa kusoo beegmaysa iyadoo sanadkaan arday badan oo reer Puntland ah oo imtixaanada fasalada 4aad ka galay kaalimaha hore ay sugayaan inay helaan fursado waxbarasho oo dalka dibadiisa ah gaar ahaan Suudaan ama Itoobiya iyo weliba meelo kale.

Wararkii ugu dambeeyay socdaalka mas’uuliyiinta ayaa sheegaya inay  gaareen magaalada Khartuum ee caasimada Suudaan islamarkaana ay berito  la kulmidoonaan mas’uuliyiin katirsan dalkaas.

Wasiiradda ayaa horay u balan qaaday inay waxqabadkooda ku salayn doonaan deeqo waxbaraho ina ka keenin doonana dalal kala duwan oo xariir fiican la leh dowladda puntland.

Daawo Sawiradda Wasiirka iyo ku xigeenkiisa.

 

                                               Wasaaradda Waxbarshada Puntland.
                                                     Deeq Maxamed Warsame
                                                     Contact Number: +2525743400
                                                        Deeq.hurre99@gmail.com
Scroll to Top