Wasiirka Waxbarsahada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland oo booqaday Xarrumaha Waxbarashada Gobalka Mudug.

29/09/2014,(  Gaalkacyo) Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare  Dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame ayaa saakay booqosho ku tagay qaar kamid ah xarrumaha waxbarashada ee gobalka Mudug.

Xarrumaha oo booqashada ku tagay Wasiirka Waxbarashadu  waxaa kamid ahaa Dugsiga sare ee Cumar samatar, Wasiirka ayaa Dugsiga sarre ee Cumar Samataer kula kulmay  Maamulka macallimiinta iyo Ardayda wax kabartada  Dugsigaas.

Wasiir oo boqolaalka ardayda ah ee dhigata Dugsiga kula hadlay Fagaaraha Dugsiga sarre ee Cumar Samatar ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu ku yimid Dugsiga sare ee Cumar Samatar  iyo sida hawlaha waxbarasho ee dugsigu u socdaan.

Sidoo kalana Wasiir Cali Xaaji ayaa uga mahad celiyey maamulka iyo ardayda Dugsiga guushii taariikhiga ahayd ee ay ka soo hoyiyeen Imtixaanaadkii Caamka ahaa ee Dowladda Puntland sanad dugsiyeedkii 2013-2014,

Wasiir Cali Xaaji ayaa sidoo kale uga mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta dugsiga sarre habka wanaagsan ee ay u wadaan hawlaha ballaaran ee ka soconaya Dugsiga.

Wuxuu sheegay in dugsiga sare  Cumar Samater uu yahay Dugsi qadiimi ah oo ay ka qallin jabiyeen arday farabadan kuwaas oo maantay qaybtood kamid yihiin Masuuliyiinta  Dalka, Wuxuuna ardayda hadda dhigata Dugsiga kula dar-daarmay inay noqdaan kuwa ku dadaala waxbarashadooda ayna ogaadaan inay yihiin mustaqbalka berito dalka.

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland  Cali Xaaji Warsame ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku jooga Gobalka Mudug , halkaas oo uu ka wado olalaha ballaaran ee kor uqaadida waxbarashada Puntland.

Halkaan ka daawo Sawiradda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top