Wasiirka waxbarashadda iyo Taclinta Sare oo gaaray magaalada Bosaso

22/10/2014,Bosaso, Wasiirka waxbarashadda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Bosaso xarunta Gobalka Bari.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inuu bilowday kormeerkii waxbarasadda Puntland oo socon doono mudo saddex bilood ah kaasoo wixii kasoo baxa lagu dabaqi doono shaqooyinka danbe.

Kooxaha Kormeerka samaynaya ayuu u rajeeyay guul iyo shaqo wanagsan.

Madaxa Kormeerka wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee wasaradda ayaa sheegay ujeedka kormeerka inuu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ubadka Puntland, wuxuna sheegay inay sidoo kale talooyin siin doonaan mamulka iyo macaliimiinta meelaha ay booqan donaan.

2783604495376317298249261024

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

Scroll to Top