Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta Sare ee Puntland oo bilaabay Kormeer uu ku marayo Xarumo Waxbarsho oo ku yaala Gobolka Karkaar.

1/11/2014,Wasiirka Wasaaradda iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Cali Xaaji Wasame ayaa maanta oo Sabti ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 1/11/2014 bilaabay Kormeer uu ku marayo Xarmo waxbarasho oo ku yaala magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Cali Xaaji Warsame ayaa u kuurgali doona habsami u socodka Waxbarashadda,tayada iyo baahiyada ka jira magaalada Qardho,waxaana kormeerkiisa ku weheliya Mas’uuliuyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliintsa Sare.

Kormeerkii kan ka horeeyay wuxuu Wasiirku kuso maray Goobo Waxbarasho oo ku yaala magaalada Bosaso,waxaana uu kula kulmay Arday,Macalimiin iyo Maamul.

Wasaaradda Waxbaarshadda iyo Tacliinta Sare ayaa ku hawlan kor u qaadida Waxbarashadda Puntland.

kormeerka ayaa waxaa wa heliya Wasiiirka 16 xubnood kamid aha Wasaarada waxbarashada iyo Tacaliinta sare.

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

Scroll to Top