Wasiirka Waxbarashada Puntland oo tababar ufuray 63 kamid maamulayaasha dugsiyada sare ee Puntland.

16/07/2014 ,Wasiirka wasaradda waxbarashada iyo barbaarinta dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa maanta tababar ugu furay magaalada Garowe 63 kamid ah maamulayaasha dugsiyada sare ee Puntland.

Tababarkaan oo ay fulinayso hay’adda CARE islamarkaana socondoono afar cisho ayaa wuxuu ku saabsan yahay sida loo aruuriyo xogta dhabta ah ee waxbarashada Puntland, si tiro koob loogu sameeyo.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inuu tababarkaan qeyb ka yahay barnaamij lagu magacaabo (EMIS) oo ah hab lagu ururiyo laguna diiwaan galiyo sanad kasta xogta waxbarashada Puntland.

Wuxuu sheegay wasiirku xogta la aruurinayo inay ku saabsan tahay dhammaan waxbarashada ka socota Puntland iyadoo sheegay in mustaqbalka dhow lagu daridoono dugsiyada lagu barto qur’aanka kariimka.

Mudane Cali Xaaji ayaa u sheegay, maamulayaasha dugsiyadda sare in wasaaraddu ubaahan yahay in la helo xog dhab ah oo lagu kabidoono waxyaalaha la hiigsanayo mustaqbalka dhow, wuxuuna ka digay in la fududaysto xog u arurintaan.

” Waxaa la yiraahdaa go’aankii qaldama waxaa qaldanayd xogtii lagu dhisay. sidaa daraadeed haddaynaan soo gudbin xogta saxda ah go’aanka wasaaraddu qaadanayso wuu qaldamayaa sidoo kale go’aanka ay qaadanayaan deeq bixiyayaasha wuu qaldamayaa. taas kadib waxaa imaanaysa in meelna laga dhiso 100 dugsi meel kalena aysan lahayn dugsi iyo sidoo kale inay meesha kabaxdo isku dheelitirnaanta waxbarashada” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sheegay wasiirku inaysan xogta dugsiyadu ahayn mid sir ah oo dano gaar ah laga leeyahay. Hase ahaatee wuxuu ku tilmaamay inay tahay arin ka dhaxeysa macalmiinta, wasaaradda iyo deeqbixiyaasha, iyadoo kadibna shacabka loo gudbindoono.

” Xogta dugsiyadu waxay noo sahlidoontaa inaan ogaano gobol kasta iyo degmo kasta inta dugsi waxbarasho ee kuyaala iyo qaabka ay u shaqeeyaan. Xogtaasi waa xogta wax lagu qeybsanayno. waa xogta aan ku wax ku qaadanayno. Sanad kasta waxaan ku ogaanaynaa horey ma usoconay mise waa gaabinay.

“Arintaas haddii uu qalad ka yimaado idinka ayay idinkusoo noqonaysaa waayo idinku waxaa tihiin wasaaraddii. marka waxaan idinka codsanaynaa inaad xooga saartaan arintaan oo aad waqtigiina qeyb kamid ah uhurtaan”.ayuu yiri Cali Xaaji.

Si kastaba ha ahaatee, tababarkaan ayaa qeyb wuxuu ka yahay mashruuca waxbarashadu waa Iftiin oo ah mashruuc waxbarasho oo uu Midowga ugu deeqay dowladda Puntland.

 

Daawo Sawiradda.

DSC05752DSC05745DSC05743DSC05739DSC05740DSC05730DSC05735DSC05736DSC05737DSC05732DSC05731DSC05726DSC05727DSC05729DSC05725DSC05724DSC05723DSC05720DSC05721DSC05722DSC05717DSC05718DSC05719DSC05714DSC05715DSC05716DSC05713DSC05711DSC05710DSC05707DSC05708DSC05709DSC05702DSC05703DSC05706DSC05701DSC05699DSC05693DSC05694DSC05695DSC05690DSC05691DSC05692DSC05689DSC05688DSC05687DSC05681DSC05685DSC05686DSC05683DSC05674DSC05675DSC05676DSC05680DSC05678DSC05655DSC05656DSC05673

 

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

Scroll to Top