Wasiirka Waxbarashada Puntland oo la kulmay Dhiggiisa Itoobiya

Wasiirka wasaaradda Waxbarasha iyo Barbaarinta Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa magaalada Adis abbab ee Dalka Itoobiya kula kulmay dhiggiisa Wasaaradda Waxbarashada ee Itoobiya Mr. Shiferaw iyo Wasiiru dawlaha Tacliinta sare Dr. Kaba Urgessa Dinssa.

Kulankan oo ay wasiiradu kaga arrinsanayeen iskaashi iyo wada shaqayn dhex marta labada dhinac ee Puntland iyo Itoobiya ayay waxay ka wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyo badan Dawladda Itoobiyana ay gacan uga siin lahayd kor u qaadidda waxbarashada Puntland.

Wasiirada ayaa waxay isla soo qaadeen sidii xiriirka labada wasaaradood loo xoojin lahaa, loona kordhin lahaa cadadka ardayda Jaamacadaha ay siiso Dawladda Itoobiya sanadkasta, sidoo kalana laamaha cilmiga ardayda hesha tiradooda loo badin lahaa.

Waxaa kale oo ay Wasiiradu isla garteen in Tacliinta sare ee Puntland ay ka faa’iidaysato horumarka Tacliinta sare ee Itoobiya ay gaartay la isuna dhaafsan lahaa khibradaha labada dhinac.

Waxaa sidoo kale iyaduna meesha ka marnayn oo ay madaxdu ka wada hadashay kor u qaadidda farsamada gacanta (TVET), oo ay uga faa’iidaysan lahayeen sida Wasaaradda Waxbarashada ee Itoobiya ay arrintaasi ugu guulaysatay.

Deeq Maxamed Warsame

Wasaaradda Waxbarashada Puntland

 

Scroll to Top