Wasiirka waxbarashada Puntland oo kormeeray xarumaha waxbarashada Qardho dibna ugusoo laabtay Garoowe.

03/11/2014,Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa kormeer ku sameeyay goobaha waxbarashada ee kuyaala magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Kormeerka wasiirka oo ay ku wehliyeen wasiirka amniga iyo wasiirka arimaha gudaha ayaa goobaha uu tagay wuxuu ka jeediyay qudbado kala duwan oo uu kula hadlayay ardayda iyo maamulka waxbarashada isagoo ku dhiiri galiyay in kor loo qaado tayada waxbarashada islamarkaana ay wasaaradu garab istaagnaandoono.

Wasiirku wuxuu sheegay inay wasaaradiisu ka go’an tahay in xoojiso waxbarashada Puntland iyadoo  ay tusaale u tahay kormeerka uu ku marayo gobolada Puntland.

Sidoo kale wasiirku wuxuu ka codsaday odayaasha dhaqanka. maamulka waxbarashada gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho in la baneeyo dhismayaasha waxbarashada ee ay shacabku dagan yihiin.

Kormeer dheer kadib wasiirka waxbarashada ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Garoowe maalintii shalay,inkastoo ay halkaasi ku hareen wafdigii la socday wasiirka oo uu ku jiro madaxda imtixaanaadka Puntland Axmed Saahid.

Daawo Sawirada.

DSC09522DSC09524DSC09525DSC09526DSC09527DSC09528DSC09539DSC09591DSC09780DSC09784DSC09787DSC09788DSC09789DSC09790DSC09799

DSC09806DSC09819DSC09820DSC09822DSC09839DSC09844DSC09845DSC09848DSC09856DSC09857DSC09858DSC09860DSC09861DSC09862DSC09868DSC09873DSC09878DSC09879DSC09886DSC09887DSC09890DSC09893DSC09894DSC09899DSC09901DSC09902DSC09906DSC09907DSC09909DSC09910DSC09912DSC09934DSC09935DSC09938DSC09940DSC09941DSC09946

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

Scroll to Top