Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo Ka Qaybgalay Shirkii Kooxaha Xiriirka Caalamiga Ee ICG Oo Lagu Qabtay Magaalada Rome Ee Dalka Talayaniga

Wasiirka Waxbarashada Puntland,Mudane Abdi Farah Said ayaa ka qaybgalay shir caalami ah oo ka dhacay dalka talayaaniga gaar ahaan caasimada dalkaasi ee Rome.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qabgalay Midowga Yurub, Wakiilka qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya, DFKMG Soomaaliya,  Belgium, Burundi, Canada, China, Denmark, Djibouti, Masar, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, Fransiiska, jarmalka,  Jaamacada carabta, Holland, Norweyn, Qadar, Turkiga, UAE, Ingiriiska, Maraykanka, Sweden, Puntland, Galmudug, Bangiga Aduunka, Japan, iyo Hay’ado kale oo caalamiya.

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee looga hadlo xaalada Soomaaliya , waxaana la dhowrayaa dhowaan dowlad federaal ah ka dhalata Soomaaliya, taas oo u soo dhoweysa shacabka Soomaaliyeed ee dowlad la’aanta ku jiray waqtiga dheer.

Madaxdii ka soo qaybgashay shirkan ayaa waxaa ka mid ahaa,Wasiirka arrimaha dibadda eeItaly, Raysal wasaare Abdiweli iyo Prof. Annarita oo ah Profesorad Talyaani ah oo hadda daabacday Dictionary Somali ah oo ay sodon sano gacanta ku haysay oo3/7/2012lagu daahfuray shirkii Contact Group-ka eeRome. Dictionary-gu waa hawshii ugu weynayd ee laga qabtay afka Soomaaliga muddo afartan sano ku dhow. Waxaa wada qoray Prof. Annarita iyo Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah Prof. Soomaali ah oo ku takhasusay afka Soomaaliga oo wax ka dhiga jaamacaddaRome.

 

 

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top