Wasiirka waxbarashada Puntland oo gaarey magaalada Boosaaso.

 

Wasiiirka waxbrashada Puntland C/faarax Siciid ‘Juxa iyo wafti katirsan wasaaradda waxbarashada oo kormeero waxbarasho kusoo maray gobolada , Nugaal, Karkaar , iyo Sanaag iyo maanta gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari .

 

Waftiga waxa ay subixii hore ee saakay kasoo amba baxeen degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaayeen, Iyagoo kormeero waxbarasho ku sameenayay dhammaan dugsiyada kuyaala gobolada Haylaan iyo Badhan   oo ay kamid yihiin, Dhahar, Xingolol, Ceelbuh, Jiingada, Badhan iyo Hadaaftimo.

Waftigu  waxa ay saddexda  maalmood ee soo socota ku sugnaandoonaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, Waxayna kormeer ku sameenayaan dugsiyada waxbarasho iyo Jaamacaddaha kuyaala magaalada Boosaaso, Iyagoo kadibna dib ugu laaban doona  Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

 

Wasiirka waxbarashada Puntland C/Faarax Siciid ‘Juxa oo Radio Daljir kula hadalayay deegaanada  ay kormeerka kusoo mareen ayaa wuxuu sheegay in kormeerkaan uu yahay mid  loogu kuur galayo xaalada waxbarashada ee gobolada Puntland haatan ay marayso, Iyadoona uu sheegay in qiimayn lagu sameynayo baahiyaha dhabta ahi ee haysta dugsiyadda ay gacanta ku hayso wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Pland Juxa ayaa sheegay kormeerka kadib in wasaaaradda waxbarasha balan qaaday in ay dugsiyo waxbarasho ka hirgalinayso qaar kamid ah deeganaada ay kormeerka lagu sameeyay, Waxaana sidoo kale uu sheegay in dayactir  lagu sameynayo kuwa horey ujiray.

 

Daljir Boosaaso

Scroll to Top