WASIIRKA WAXBARASHADA PUNTLAND OO GAARAY BELGIUM.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland Dr Ali Haji Warsame ayaa magalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galaya shir heer caalami ah oo socon doona saddex maalmood  loogana  hadli doono  kor uqaadida waxbarashada Caalamka , shirkaas oo sanadkiiba mar la qabto.

shirkaaan oo loo yaqaan Global Partnership for Education  Board meeting ” GPE ”, oo ay ku kulmayaan  go’aan ka gaarayaasha barnmaamijka GPE-da ayaa la filayaa in lagu  gaaro go’aamo dhaxalgal ah kuwaas oo  waxtar u noqon kara kor u qadida tayada Waxbarashada Caalamka.  Wasiir Ali Haji oo warbaahinta kula hadlay Brussels ayaa waxa uu sheegay in go’aamada ka soo baxa shirkaan  ay wax wayn u tari doonaan kor u qaadida heerka waxbarashada ee Puntland, wuxuuna sidoo kale sheegay wasiirka oo la hadlayey warfidiyeenada in ay Puntland u diyaar tahay  tayeynta waxbarashada Ardayda Puntland ayna soo dhawaynayaan cid kasta oo gacan ka gaysanaysa hormarka waxbarasho ee Puntland ka socda.

Safarka wasiirka ayaa qayb ka ah safaro uu ku kala bixinayay wadamo dhowr ah kuwaasoo uu qaarkood ka helay casumaado sida Dalka Sudaan isaga iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashda ee Dowladda Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax.
Wasiirka waxbarashada Puntland Dr Ali Haji  Warsame  waxa uu  ballan ku qaaday in Puntland ay heer wanaagsan ka gaari doonto waxbarashada ayna u garaaci doonaan albaab walba si loo helo waxbarasho wanaagsan  si loo gaaro hormar dhan walbo ah.

La socod wanaagsan Safarka wasiirka wixii warar ah oo ka soo siyaadana waan idiin soo gudbin doonaaa.

 

 

                                                  Wasaaradda Waxbarshada Puntland.
                                                     Deeq Maxamed Warsame
                                                     Contact Number: +2525743400
                                                        Deeq.hurre99@gmail.com

 

 

Scroll to Top