Wasiirka waxbarashada Puntland oo furay sanad dugsiyeedkii labaad ee Kuliyadda Xananadda Xoolaha Gaalkacyo.

27/09/2014,Gaalkacyo, Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna furayay sanad dugsiyeedka 2aad ee Kulliyada xanaanada xoolaha ee Gaalkacyo ayaa waxay ka dhacday hallka kulliyada xanaanada xoolaha Gaalkacyo.

Kulliyada xanaanada xoolaha Gaalkayo waa xaruntii ugu horeysay ee lagu barto cilmigan oo laga hirgeliyey Gobolada Puntland, waxaana maalgeliyey Bangiga Islaamka oo saldhigiisu yahay dalka Sacuudiga, waxaana fulisay Hay’ada wadaniga ah Tadamun Social Society, Kulliyada ayaa la furay sannadkii hore 2013, waxaana bilaabay 60 arday dufcada ugu horeysa, sannadkana waxay qaadatay dufcadii labaad.

Xaflada waxaa ku soo dhaweeyey masuuliyiinta, maamulaha kulliyada xanaanada xoolaha Dr. Nuux Mohamed Abdullahi oo sharxay habka waxbarashada kulliyada, iyo xiriirka jaamacada Sudan university of science and technology oo gacan ka geysatay nidaamka waxbarashada, isla markaasna kulliyadu la leedahay wadashaqeyn joogto ah, wuxuuna wasiirada iyo maamulka uga mahadceliyey ka qeybgalka xaflada.

Xaflada waxaa furay guddoomiyaha gobolka mudug Maxamed Yusuf Jaamac Tigey, oo ka sheekeeyey muhiimada xanaanada xoolaha u leedahay deegaanka Soomaaliya, kuna booriyey ardayda inay sii wataa tacliintooda jaamacadeed.

Waxaa isna hadal gaaban jeediyey agaasimaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Puntland C/rishiid Sheekh Cali, oo ka hadlay qaabkii ay ku bilaabatay Kulliyadan, iyo dadaalkii ay soo galeen Hay’ada Tadamun iyo Bankiga islaamka, wuxuuna sheegay in kulliyadu ka mid tahay mashaariicda horumarinta ugu qiimaha badan dalka.

Sidoo kale waxaa ka hadlay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Cali Xaaji Warsame oo u mahadceliyey Islamic Development Bank oo maalgeliyey kulliyada iyo Hay’ada Tadamun oo fulisay isla markaasna gacanta ku haysa, wuxuu kale oo wasaarad ahaan u ballanqaaday in wasaarada waxbarashadu soo celin doonto doorkii iskuulada farsamada iyo kulliyadaha cilmiga ah ee aasaaska u ah nolosha dalka iyo dadka.

Waxaa madasha xaflada ka hadashay Wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo horumarinta qoyska Farxiya Yusuf Xirsi, waxayna sheegtay in xoolaha oo laf dhabar ay u yihiin nolosha aadanaha, iyadoo dhalinta kula dardaarantay inay culayska saaraan waxbarashada cilmiga ah.

Guud ahaan xaflada ayaa ku soo xirantay jawi aad u degan.

10579325_892210810797019_1089363735_n 10706563_892210684130365_356403307_n 10708146_892210814130352_105677489_n 10717654_892210804130353_1561602811_n IMG_9385

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

Scroll to Top