Wasiirka Waxbarashada Puntland oo Dalka Ethiopia socdaal shaqo u aaday.

13/09/2014,Wasiirka waxbarashada Dowladda Puntland Dr Cali Xaaji warsame ayaa sakay socdaal shaqo ugu anbabaxay Dalka Ethiopia gaar ahaan magalada Addis-Ababa ee xarrunta dalka Ethiopia.

Socdaalka shaqo ee Wasiir Cali Xaaji uu ugu anbabaxay dalkaas ayaa noqonaya socdaal qaadan doona waqti kooban , ujeedka socdaalka ayaa ah  baadi-doonka deeqaha Waxbarasho ee laga helo dalka Ethiopia oo ay sannad walbo helaan Ardayda dhamaysata dugsiyada Sare ee Puntland.

.
Wasiir Cali Xaaji Warsame ayaa socdaalo is-daba joog ah ku tagayay muddooyinkii u danbeeyey wadamada Afrika iyo Maraykanka, socdaaladaas oo guud ahaam ujeedkoodu ahaa sidii ardayda dhamaysatay waxbarashada dugsiyada sarre ay u heli lahaayeen jaamacado dalka dibadiisa ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa heerka waxbarasho ee dalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.


Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

Scroll to Top