Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo Booqday Maanta Dugsiga Sare Ee Gambol Iyo Kuliyada Tababarka Macaliimiinta Ee Garowe

Wasiirka waxbarashada Puntland oo kormeeray qayba kamida goobaha waxbarasho ee  ku yaala magaalada Garoowe wasiirka oo udhuurgalaya hab usocodka waxbarasho ee goobahaaas ka socda iyo in ay iswaraystaan masuuliyiinta goobahaa madaxda ka ah si ay ukala warqaataan.

Kormeerka wasiirka ayaa ah mid kooban waxa uu una ugu horayn booqday dugsiga sare ee Gambol Secondary School oo kamid iskuulada ugu waawayn ee Puntland ka jira waxa uuna hadala laqaatay maamulka iyo macalimiinta iskuulka waxa uuna ugu horayn warbixin yar oo ku saabsan meesha uu marayo iskuulka ka dhagaystay maamulha guud ee dugsiga Gambol Mr Ali Ibrahim,sidoo kale wasiirka waxa uu booqday kuliyada weyn ee macalimiinta ee looyaqaan (GTEC) Garowe Teacher Education College waxa uuna iyana kulan la qaatay maamulka sare ee kuliyada iyo waliba ardada oo markaa ku jiray xiisadahooda waxa ayna sheegeen ardadaaas inay ku faraxsanyihiin imaatinka iyo booqashada wasiirka uu manta soo booqday.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top