Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka qaybgalaya shirka waxbarshada Somalia oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa gaaray magaalada Muqdisho oo uu uga qaybgalayo shir dhowaan ka furmayaa halkaasi oo looga hadlayo kor u qaadida tayada waxbarashada Somalia.

UNESCO iyo DF Somalia ayaa iska kaashanaya qabsoomidiisa waxana uu furmayaa 18 June, isagoo socon doona saddex maalmood.

Wasiir Juxa ayaa xalay warbaahinta gudaha uga waramay socdaalkiisan Muqdisho iyo wafdiga uu hogaaminayo oo uu sheegay inay is dhaafsan doonaan masuuliyiinta waxbarashada DF talooyin iyo khibarad ku aadan horumarinta waxbarashada.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo dhowaan booqasho ku yimid Garowe ayaa amaanay waxbarashada Puntland oo uu codsaday inay gacan ka siiso DF sidii loo dejin lahaa qorshaha lagu tayeynayo tan Somalia.

Shirka Muqdisho ka furmaya berito ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan khuburo waxbarashada ku xeel dheer oo qaybaha dalka ka imanaya iyo weliba dibadiisa.

DSC09404DSC09409DSC09411DSC09415DSC09425DSC09430

 

Scroll to Top