Wasiirka Waxbarashada iyo wafdi uu hogaaminayo oo kormeeraya gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Garowe(Puntlandi.com):- Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashada dawlada Puntland Cabdi faarax Juxa ayaa kormeer ku maraya gobollada Sanaag iyo Haylaan ee Puntland.

Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashada dawlada Puntland Cabdi faarax Juxa oo uu ka mid yahay Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka Puntland ee Wasaarada Waxbarashada ayaa shalay subaxnimadii ka ambabaxay degmada Qardho ee gobolka Karkaar halkaas oo ay dhawr maalmood u joogeen hawlo shaqo, waxayna isla shalay duhurnimadii gaareen magaalada Dhahar ee xarunta u ah gobolka Haylaan.

Wafdigu waxay halkaasi kula kulmeen dadweyne aad u farabadan iyo maamulka oo ay ka dhagaysteen warbixino la xiriira Waxbarashada gobolka iyo sidoo kale adeegyada caafimaad ee ay haystaan.

Wafdiga Wasiirka Waxbarashada Puntland waxay sidoo kale kormeereen goobaha Waxbarashada ee degmada Dhahar oo ay ku jiraan Kuwa Hoose, kuwa Dhexe iyo dugsiyada sare oo ay joogaan arday farabadan.

Guddoomiyaha gobolka Haylaan ee Puntland Maxamed faarax Cali ayaa wafdiga wasiirka Waxbarashada u soo gudbiyay warbixin dheer oo la xiriira heerka waxbarasho ee gobolka iyo baahiyaha kala duwan ee ay dawlada uga baahan yihiin in ay ka caawiso.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in degmada Dhahar ay ka kooban tahay 11 Dugsi waxbarasho oo ay ka mid yihiin labo dugsi sare 9 dugsi H/Dhexe ialamarkaana ay ka degmadan ka hawlgalaan ilaa 70 macalin oo u qaybsan dugsiyadan oo ay ku jiraan ilaa 30 bare oo ay Wasaaradu gunooyin siiso.

Guddoomiyuhu wuu sheegay in ilaa 35 macalin ay qaateen tababarada Macalinnimo ee xirfadooda kor loogu qaadayo, wuxuuna wasaarada ka codsaday in ay dadaal u gasho sidii ay waxbarashada gobolkan gaar ahaan degmadan Dhahar kor ugu qaadi lahaayeen, baahidaha jirtana ay u dabooli lahaayeen.

Wasiirka Waxbarashada dawlada Puntland Cabdi faarax Juxa oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in socdaalkoodan uu la xiriira kormeer ay ku samaynayaan waxbarashada gobollada Sanaag iyo Haylaan iyo Karkaar oo ay safarkoodan ka soo bilaabeen, wuxuuna carabaabay in ay darsayaan baahida waxbarasho ee gobolladan islamarkaana ay wixii karraankooda ka qaban doonaan hadii uu alle idmo.

Wasiirku wuxuu bulshada gobolka Haylaan dareensiiyay in ay dawladu u maqan tahay isnadelo dhinacyo bandanna ay samayn doonto dhawaan, waxbarashada degmooyinka gobolkanna kor loo qaadi doono.

Wafdiga Wasiirku waxay isla shalay u gudbeen gobolka Sanaag oo ay kula kulmeen dadweyne farabadan iyo maamulka gobolkaasi waxayna xalay ku waabaristeen degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Waxaa la filayaa in maantaba ay dib uga soo huleelaan goolkaasi sanaag, kadib marka ay soo dhamaadaan kulamada ay maamulka iyo dadweynaha la yeelanayaan, kormeerana ay ku xiyaan goobaha waxbarashada ee gobolkaasi.

Scroll to Top