Wasiirka waxbarashada iyo wafdi culus oo booqday degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka waxbarshada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax,Wasiirka Shaqada,shaqalaha,Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Cabdiraxmaan Shiikh Axmed iyo gudoonka waxbarashada Gobalka Nugaal  Xaashi xuseen ayaa socdaal gaaban ku tagay degmada Dongorayo oo ka tirsan Gobalka Nugaal.

Wafdigan ayaa intii ay joogeen Degmada waxay u guur galeen hanaana waxbarashada iyo sida ay degmadu ugu dhago nugushahay kor u qaadista hormarka.

Waxay ka qayb galeen xaflad ay ku qalin jabinayaan ardayda ka baxday Dugsiga sare ee Kalyaxeed ee Dongorayo kuwaasoo sanadkan tiradoodu ay gaarayso 23 arday aynta tahay sanadkii labaad.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa khudbad uu ka jeediyay xafladaasi waxa uu sheegay degmada Dongorayo inay tahay degmo hormar sanadkan dhanka waxbarashada ka samaysan isla markasna ay arrintaasi ku ammaanayan.

Cali Xaaji oo mudooyinkii lasoo dhaafay dadaal waday ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii hormar baaxad leh looga gaari lahaa hormarinta waxbarashada.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax oo ka mid ahaa masuuliyiintii munaasibada ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii tayada waxbarashda tacliinta sare loo qaadi laha loona gaarsiin lahaa sanadkan mid lagu faano.

Mamulka degmadda iyo qaar ka mid ah dadka waxgaradka ah ayaa codsaday inay wax kasoo gaarsiiyaan tabaradda kala duwan ee waxbarashada maadama degmada Dongorayo ay waxbarashada hormar ka gaartay.

DAAWO SAWIRADII BOOQASHADA DEGMADDA DANGORAYO IYO XAFLADII SOO DHAWAYNTA.

 

DSC03993 DSC03994 DSC03995 DSC03997 DSC04001 DSC04000 DSC03999 DSC03998 DSC04004 DSC04005 DSC04013 DSC04018 DSC04019 DSC04020 DSC04025 DSC04033 DSC04040 DSC04041 DSC04045 DSC04047 DSC04055 DSC04067 DSC04072

 Wasaaradda Waxbarshada Puntland.
Deeq Maxamed Warsame
Contact Number: +2525743400
Deeq.hurre99@gmail.com

 

Scroll to Top