Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare shir looga hadlayo hormarinta Waxbarashada farsamada gacanta oo iga Qayb galay Dalka Norway.

14/jun/2015- Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare oo kasoo qayb galay shir looga hadlayo waxbarashada farsamada gacanta oo lagu qabtay dalka Norwey ayaa kulan lagu soo dhawaynayo waxaa loogu sameeyay magalada labaad ee wadanka Sweden ee Gothenburg.

Kulankan waxaa kasoo qayb galay Jaaliyadda Puntland ee Gothenburg iyo masuuliyiin kale oo ka socda Jaliyadda dalalka kale ee Sweden u dhow.

Wasiirka waxbarashada Cali Xaaji Warsame ayaa kulankan soo dhawaynta ah hadal uu ka jeediyay marka hore ugu mahad celiyay cida kulankan soo qaban qaabisay, sidoo kale Warsame ayaa ka war bixiyay xaalada Puntland gaar ahaan horumarka dhanka waxbarashada iyo tacliinta sare laga gaaray.

Mudane Cali Xaaji ayaa ka waramay kulamo uu lasoo sameeyay masuuliyiin ka tirsan wasaradaha waxbarashada iyo arrimaha diabdda Sweden, wuxuna sheegay dhammaan arrimihii ay ka wada hadleen inuus i wanaagsan kusoo dhammaaday.

Ugu danbayntii dadkii munaasibadda ka hadlay ayaa ammaan iyo boggaadin usoo jeediyay wasiirka waxbarashadda, iyagoona sheegay inuu waxqabad muuqda sameeyay mudadii sanadka iyo barka ahayd ee uu xafiiska wasaradda joogay.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa wasiir Cali Xaaji inuu gaaro dalka Ingiriiska gaar ahaan magalada London, wuxuna dib ugu soo laabanayaa magalada Garowe.

Hoos ka Daawo Sawiradda
IMGL0207

IMGL0229

IMGL0294

IMGL0297

IMGL0303

IMGL0311

IMGL0449

IMGL0503

IMGL0512

IMGL0514

IMGL0541

IMGL0546

IMGL0558

IMGL0623

3 A 3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top