Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland oo Norwey uga qeyb galaya shir looga hadlayo farsamada gacanta.

6/6/2015- Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland mudane Cali Xaaji Warsame ayaa maanta safar shaqo ugu dhoofay dalka Keny gaar ahaan magaalada Nairobi, isagoo ugasii gudbaya dalka Norway.

Wasiirka waxbarashada oo la hadlay Moepuntland.com ayaa u sheegay inuu ka qeybgalidoona shir looga hadlayo waxbarashada Soomaaliya gaar ahaan caawinta dugsiyada farsamada gacanta iyo Guud ahaan Waxbarashada kaasoo lagu qabandoono dalka Norwey.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacilinta sare ayaa sheegay inuu shirkaan furmidoon todobaadkaan dhammaadkiisa islamarkaana uu kamid yahay mas’uuliyiinta lagu casuumay.

Waxaa uu sheegay inay shirkaan gayndoonaan baahida loo qabo in kor loo aado fursamada gacanta Soomaaliya si xirfado loogu helo dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta dalka ku haysata.

IMG_1872

 

 

Scroll to Top