Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland oo maalintii saddexaad kormeer kumaraya dugsiyada waxbarasho ee Gobolka Nugaal

15/10/2015,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Abshir Aw yuusuf ciise  ayaa maanta kormeer booqosho ku tagay Dugsiga sare ee Al waxa iyo Dugsi hoose/dhaxe ee dugsi sare Nugal ee Magaalada Garowe. Isagoo horay u soo Maray asbuucii hore la soo dhaafay Gambool darwiish.

Wasiirka Wasaaradda iyo Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Nugaal Xaashi xuseen Faarax ayaa Waheliyey Kormeerka  Wafdigiisa oo ku horumaray Dugsiga sare Al waxa  ayaa soo dhoweyn diiran ay kala kulmeen Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda ‘’dugsiga sare ee Al waxaa..

Mudan Abshir Aw yuusuf  ciise  ayaa  intii uu ku sugnaa Dugsiga sare  Al waxaa  boqolal araday ah kula hadlay Daabuurka  kadbna Su’aalo ardaydu waydiyeen kadiba  indha-indheeyay hannaanka ay Wax-u-baranayaan Ardaydu,waxaana uu Ardayda ku booriyay inay ka dhabeeyaan talaabada ay ku doonayaan inay kaga Miro-dhaliyaan hankooda Waxbarasho Mustaqbalka.

Wasiir Abshir ayaa Ardayda uga digay Tahriibta,wuxuuna xusay in muhiim ay tahay inay isu diyaariyaan Imtixaamaadka kuso fool leh,ayna muujiyaan dadaal balaaran.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa Ardayda ka codsaday inay u faa’iideeyaan Bulshadooda bilaha fasaxa,wuxuu sheegay in Wasaaraddu ay hormar balaaran gaarsiin doonto Waxbarashadda Puntland.

Kadib Wasiirka ayaa booqashadisii kormeerka ku tagay Dugsiga sare hoose/ dhaxe ee Nugaaal kadinaba la kulamay  Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda fasalada 8aad iyo  7aad iyo 1aad iyo 2aad ayaa soo dhoweeyay Wasiirka iyo Wafdigiisa,waxaana uu kulan saacado socday la qaatay Ardayda wax ka barata dugsigaas.

Nugaal  ayaa ah dugsiyada sare ee gobolka Nugaal ee gadaal laga asaasay, inkastoo waxbarasho tayo leh leeyahay waxaana aas asay jaaliyada reer puntland  waxaana wax kabarta  ardayda Diasparadda ah.

Waxaa Wasiirka uu sheegay Dugsiayadda dhaxe/hoose Ardayda dhigata in sanad-kaan ku bilaaban doonan Manhaj cusub.

Asbuucii la soo dhaafay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland ayaa guul Taariikhiya samaysay  iyadoo  ku guulaysatay in si rasmi ah loo meel mariyo muqararka manhajka dugsiyada hoose/dhexe ee Puntland.

Hoos Ka daawo SawiraddIMG_1912 IMG_1913 IMG_1915 IMG_1916 IMG_1918 IMG_1920 IMG_1921

IMG_1916 IMG_1915 IMG_1913 IMG_1921 IMG_1920 IMG_1918 IMG_1926 IMG_1924 IMG_1981

IMG_1953 IMG_1941 IMG_1949 IMG_1948 IMG_1953 IMG_1951 IMG_1973 IMG_1957 IMG_1954 IMG_2007 IMG_1970 IMG_1966IMG_1992 IMG_1988 IMG_1973 IMG_2002 IMG_1997 IMG_2011 IMG_2004 IMG_2005

IMG_2025 IMG_2044 IMG_2037 IMG_2028 IMG_2059 IMG_2053 IMG_2048 IMG_2062 IMG_2070 IMG_2023 IMG_2037 IMG_2024 IMG_2049 IMG_2048 IMG_2044 IMG_2062 IMG_2051 IMG_2067 IMG_2069 IMG_2066

By Deeq Maxamed Warsame.

Tell- +2525743400

Email: Deeq.hurre99@gmail.com

 

 

 

 

 

Scroll to Top