Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo kormeer ku tagay Dugsiga hoose/ dhaxe Maxamud Aw Cismaan ee Degmada Garowe.

4/April/ 2018- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa  ayaa  kormeer howleed ku tegay goobaha Waxbarashada ee ku yaala magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal .

Maamulaha cusub oo dhawaan la soo magacabay Liibaan Maxamed Maxamud Baafe ayaa uga War baxiyey iskuulka Xaladihiisa Waxbarasho Wasiirka.

Dugsiga Hoose/dhaxe Maxamud Aw cismaan ayaa ka mid aha iskuuladii qadiimiga ahaa ee Garowe, isgoo Magacii iskuulka hore la oranjiray Dugsiga Hoose/ dhaxe ee Garowe.

Prof Abshir Yuusuf Aw ciise  Wasiirka Waxbarashada Puntland oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa mid mid u booqday fasalada goobaha Waxbarasho ee uu tegay, iyadoo ujeedka kormeerka ay ahayd u guur gelidda adeegyada Waxbarasho ee ka jirta deegaannada Dowlada Puntland.

Wasiirka ayaa baahiyadooda gaarkaa ee dhanka adeegyada Waxbarshada uga waramay qaar ka mida maamulaha  dugsiyada hoose dhaxe Maxamud Aw Cismaan , kuwaasi oo dalbaday in dhinacyo badan laga taageero.

Dhanka kalana Wasiirka oo la hadlay ardaydii wax ka baranaysay goobaha uu kormeerka ku tagay ayaa ku booriyay ardaydu in ay sii laba laabaan dadaalkooda Waxbarsho, isagoo dhanka kalena ka dhawaajiyay in Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay deeqo Waxbarasho oo dalka dibadiisa uga faa’iideyn doonto ardayda kaalimaha hore ka gasha imtixaanaadka mideysan ee  Dugsiyada dhaxe iyo dugsiyada sare ee Dalka.

Liibaan Maxamed Maxamud Baafo ayaa isbadal fiican ku sameeyey iskuulkai isagoo khibrad dheer ulahaa Maamulka Waxbarasho , iskuuulka Dugsiga hoose/dhaxe Maxamud aw cismaan ayaa waxaa ka muuqaday Maamul,macalimiin iyo Arday wanaagsan.

                                                 Hoose Ka Daawo Sawiradda.IMG_6069 IMG_6067 IMG_6064 IMG_6061 IMG_6041 IMG_6042 IMG_6001 IMG_6000 IMG_5999
IMG_5986 - Copy IMG_5986 IMG_5988 IMG_5993 IMG_5995 IMG_5996 IMG_5998 IMG_5999 IMG_6000 IMG_6001 IMG_6002 IMG_6003 IMG_6005 IMG_6009 IMG_6011 IMG_6013 IMG_6014 IMG_6015 IMG_6019 IMG_6021 IMG_6025 IMG_6029 IMG_6032 IMG_6035 IMG_6037 IMG_6039 IMG_6041 IMG_6042 IMG_6061 IMG_6064 IMG_6067 IMG_6069 IMG_6072 IMG_6073 IMG_6075 IMG_6082 IMG_6083

 

 

Scroll to Top