Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland oo maanta dib ugusoo laabtay Puntland

28/Feb/2015,Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland Dr Cali Xaaji Warsame ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garowe kadib safar todobaad qaatay oo uu ku tagay dalka kuwait.

Wasiirka waxbarashada oo saxaafada kula hadlayay garoonka diyaaradaha Garowe ayaa sheegay muhiimada ugu weyn ee socdaalkiisu inay ahayd in lasoo bandhigo dhaqanka Soomaaliyeed si loo muujiyo inuu weli nool yahay dhaqankii iyo hiddihii Soomaaliyeed xilli uu wadanku galay burbur iyo colaado sokeeye.

Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirku inay dowladda Kuwait u bandhigeen halka ay marayso waxbarahada Puntland, guulaha la gaaray iyo kaalinta Kuwait ku yeelankarto kor uqaadida tacliinta Puntland gaar ahaan dhinaca farsamada gacantao oo uu sheegay in baahi weyn loo qabo.

Dr Cali Xaaji Warsame wuxuu sheegay intii uu ku sugnaa dalkaas inuu fursad u helay inuu la kulmo wasiirka waxbarashada dalkaas Dr. Bader Al-Essa iyo agaasimaha guud ee farsamada gacanta.

 Hoos kaDaawo Sawiradda

DSC09025DSC09026DSC09027DSC09028DSC09029DSC09030DSC09031

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

 

 

Scroll to Top