Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo soo xiray Tababar kor loogu qaadayey Tayada waxbarashada Jaamacaddaha puntland.

19/agosto/2015- Wasiirka Waasarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa maanta oo Arbaco ah waxa oo soo xiray tababar afar cisho magalada Garowe uga socday masuuliyiin ka socday Jaamacaddaha Puntland.

Tababarka ayaa salka ku hayay xoojinta waxbarashada gaar ahaan qaybta Tayo-dhowrka Jaamacadda, waxana mudadii uu socday lagu barayay hababka ugu wanaagsan ee barashada sare loosii horumarin karo.

Wasiirka Waxbarashada Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa gaba-gabadii sheegay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo aragnimadda wakiiladda Jaamacaddaha Puntland ka faa’iideen tababarka, waxa kale uu kala dardaarmay inay sidaan oo kale ugu faa’iideeyaan cilmiga la baray qaybaha kala ee Jaamacadda ay matalayeen, Waxuuna aad ugu mahad celiyey khabiirkii Tababarka bixinayey Dr koria.

Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasraadda waxbarashada ayaa sidoo kale sheegay inay wax wanaagsan u tahay macluumaadka uu macalinka tababarka bixinayay soo bandhigay, taasoo uu yiri u baahan in ficil ahaan loo badalo.

Kadibna Warqad Xafiiskiisa ka soo baxday u khariyey khubarada jamacadaha ka socotay,

Warqadaas oo ku saabnayd sidii loo hormarin laha jamcadaha iyo loo tayeyn lahaa  ardayada puntland.

shahaado arday aan ka wadan Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare in uusan fariisan jamacadaha ku yaalada gudaha Wadanka.  khubarada jamacadahana Waa soo dhaweyen Amarkaa ka soo baxay xafiiska Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare C/Laahi cali jaamac.

Warqada dib ayaa idinka soo dabacayna bahdayada Waxbarashada.

Hoos ka Daaawo Sawiro Badan.

IMG_0672 IMG_0671 IMG_0670
IMG_0689 IMG_0680 IMG_0678 IMG_0674 IMG_0673

IMG_0722 IMG_0720 IMG_0706 IMG_0730 IMG_0729 IMG_0728 IMG_0726 IMG_0723

IMG_0746 IMG_0745 IMG_0738 IMG_0734 IMG_0735 IMG_0755 IMG_0754 IMG_0753 IMG_0767 IMG_0762 IMG_0760 IMG_0759 IMG_0758 IMG_0757 IMG_0756

IMG_0767
IMG_0764 IMG_0763 IMG_0761 IMG_0772 IMG_0771 IMG_0770 IMG_0769IMG_0780 IMG_0778 IMG_0777 IMG_0775

Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

By Deeq Maxamed Warsame.

 

 

Scroll to Top