Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo shir looga hadlayo hormarinta Waxbarashada oo iga Qayb galay Dalka America.

20\12\2017-  Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare oo kasoo qayb galay shir looga hadlayo hormarinta  waxbarashada  oo lagu qabtay dalka America ayaa kulano  waxaa loogu sameeyay   wadanka maraykanka  ee magalooyinka kala ah Minneapolis iyo Saira  Washington

Kulankan waxaa kasoo qayb galay Jaaliyadda Puntland ee Minneapolis iyo masuuliyiin kale oo ka socda Jaliyadda dalalka kale ee America u dhow.

Wasiirka Wasaaradad Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland   ayaa kulankan soo dhawaynta ah hadal uu ka jeediyay marka hore ugu mahad celiyay cida kulankan soo qaban qaabisay, sidoo kale Wasiirka ayaa ka war bixiyay xaalada Puntland gaar ahaan horumarka dhanka waxbarashada iyo tacliinta sare laga gaaray.

Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise  ayaa ka waramay kulamo uu lasoo sameeyay masuuliyiin ka tirsan wasaradaha waxbarashada iyo arrimaha dibada America, wuxuna sheegay dhammaan arrimihii ay ka wada hadleen inuus i wanaagsan kusoo dhammaaday.

Ugu danbayntii dadkii munaasibadda ka hadlay ayaa ammaan iyo boggaadin usoo jeediyay wasiirka waxbarashadda, iyagoona sheegay inuu waxqabad muuqda sameeyay mudadii labo sano  iyo barka ahayd ee uu xafiiska wasaradda joogay.

Kadib Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise ayaa lagu soo dhaweeyey Xarumihii Waxbarsho ee uu dalka America ka hirgaliyey intii ka hor ka imaan America.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa Wasiir  Abshir Yuusuf  Aw Ciise in uu Dalka dib ugu soo laabto.

                             Hoos Ka Daawo Sawiradda

IMG-20171220-WA0009 IMG-20171220-WA0004 IMG-20171220-WA0005 IMG-20171220-WA0006 IMG-20171220-WA0007 IMG-20171220-WA0008

By; Deeq Hurevov
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top