Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay Wafdi Ka Socday Safaaradda Maraykanka ee Somalia Iyo Hay’adda US-AID.

29/Jan/2015,Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare  Dowladda Puntland Dr: Cali Xaaji Warsame ayaa xafiiskiisa  ku qaabilay wafti  ka socday safaarada Maraykanka ee Soomaaliya iyo hay’adda gargaarka caalamiga ah  ee US-AID.
Wasiir Cali Xaaji Warsame ayaa Wafdiga uga mahad-celiyey imaatinkooda Puntland iyo booqashada ay ku yimaadeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.

Kullanka Wasiirka iyo Saraakiisha ka socotay Safaaradda Maraykanka ee Soomalia iyo Hay’adda US-AID ayaa diiradda lagu saaray  ka qaybqaadashada hormarinta Waxbarashada Puntland iyo sidii loo  Kordhin lahaa  kaalmada ay ku bixiso Hay’adda US-AID Barnaamijka  Hindisaha hormarinta hoggaanka dhallinyarada Somaliyeed , Sidoo kale intii uu kullanku socday ayaa waxaa laga wada hadlay  sidii dhallinyarada Puntland loogu abuuri lahaa shaqooyin iyo xirfado ay ku shaqaystaan si looga baxo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka.

Wakiilada ka socday Safaaradda Maraykanka ee Somalia iyo Hay’adda US-AID ayaa dhankooda ballanqaaday inay  qodobada shirkaa looga wada hadlay ay wax weyn ka qaban doonaan ayna si dhow uga  shaqayn doonaan hormarinta Waxbarashada Puntland iyo sidii shaqo abuur iyo xirfado loogu samayn lahaa dhallinyarada Puntland si loo soo afjaro shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Wafdiga ayaa intii ay ku sugnaayeen xarrunta dhexe ee Wasaaradda waxay booqasho ku mareen xafiisyada Wasaaradda xilligaa oo ay ka socotay shaqo maalmeedka Wasaaradda, waxayna wafdigu aad ula dheceen shaqada ballaaran ee ka socota Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayagoona uga mahad celiyey Madaxda Wasaaradda iyo shaqaalaha Wasaaradda shaqada baaxadda weyn  ay u hayaan dalka.

Ma’ahan markii ugu horaysay ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland ay soo booqdaan Wafuud ka socota beesha caalamka iyo Hay’adaha ka shaqeeya hormarinta Waxbarashada ee bah-wadaagta la’ah Wasaaradda Waxbarashada  waxayna Booqashada Wafdiga ka socday Safaaradda Maraykanka ee Somalia iyo Ha’adda US-AID uu ku soo beegmayaa xilli bartamii Asbuucaan Wasaaradda Waxbarasha Puntland ay ku guulaysatay Ansixinta Manhajka Waxbarashada Puntland oo soo socday muddo afar-sano ah ayna Puntland yeelatay Manhaj Waxbarasho oo dhamaystiran.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA                                                                                                        

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACALIINTA SARE
DOWLADDA PUNTLAND

Scroll to Top