Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowlada Puntalnd Iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomalia oo Kulan kuYeeshay Nairpi

17/12/2014, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame ayaa kullan ballaaran  kula qaatay safaaradda Talyaanigu ku leeyihiin magaalada Nairbo ee dalka Kenya Safiirka Talyaniga u fadhiya Somaliya Ambassador  Fabrizio Marcelli .

Kullanka oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland iyo Safiirka Talyaniga u fadhiya Somalia ay ka wada hadleen  hormarinta Waxbarashada Puntland oo ay  horay u ballan qaaday dowladda Talyaaniga inay ka qayb qaadanayaan hormarinta waxbarashada Puntland.

Kullanka intii uu socday ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo dar-dargalin lahaa  Dhisidda dugsiga barashada Luuqadda Talyaaniga,  abuurista dugsiyadda Farsamada  dalka iyo abuurista xirfado shaqo oo laga hirgaliyo Puntland, wuxuuna kullanku ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

Kullankaan ayaa ku soo beegmaya xilli Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Asbuucyadii  ugu danbeeyey uu ku sugnaa dalka Kenya  oo uu uga qayb galayo shirar looga hadlayo hormarinta waxbarashada Puntland oo uu la yeelanayo Wadamada taageera Puntland iyo  Deeq bixiyayaasha taageera waxbarashada Puntland.

Shirarkaan  uu wasiirku kula yeelanayo dalka Kenaya Wadamada taageera Puntland iyo Deeq bixiyayaasha waxay qayb ka yihiin  u qareemidda hormarinta waxbarashada Puntland si ay  dhallinyarada Wadanku u helaan waxbarasho wanaagsan Puntland-na ay u noqoto hoyga waxbarashada Somalia.

Daawo Sawiradda.

20141211_11530220141211_11530320141211_115305

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND
 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top