Wasiirka Waxbarashada dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame oo tababar usoo xiray 170 macaliin wax ka dhiga dugsiyada sare.

 26/07/2014, Wasiirka Wasaradda waxbarashada ee dowladda Puntland Cali Waaji Warsame ayaa maanta tababar usoo gabagabeeyay 170-macalimiin ah oo mudo Bil ah  tababar uga socday xarunta tababarka macalmiinta ee GTEC ee Garowe.

Macalimiintaan oo wax ka dhiga dugsiyada sare ee Puntland ayaa kor loogu qaadayay aqoontooda la xiriirta maadooyinka Sayniska , English-ka iyo xisaabta oo loo aqoonsaday inay yihiin maadooyin ay ku hoosayeen ardayda dugsiyada sare imtixaanaadkii la galay sanadkii hore.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay qiimayn lagu sameeyay heerka waxbarashada Puntland in la ogaaday saddex meelood labo meel naysan tababarnayn macalimiinta Puntland, Wuxuuna sheegay inay isku xilsaareen sidii loo tababari lahaa macalimiinta iyo maamulka waxbarashada.

“Macalimiinta maadooyinka gaarka ah dhiga sida, Sayniska , English-ka iyo xisaabta waxaa la ogaaday aqoontooda inaysan dhameystirnayn, waa laga wada hadlay waxaana loo diyaariyay Manual’s book. Iyadoo macalin walbana maadadiisa laga siiyay kooris deg deg ah,” ayuu yiri wasiirka waxbarashadu.

Cali Xaaji Warsame wuxuu  sheegay in dhammaan macalimiintaan laga qaadidoono imtixaan lagu ogaanayo inay si dhab ah uga faa’idaysteen tababarka lasiiyay wuxuuna yiri:-

“Waxaan amray in tababar walba oo ka baxa wasaaradda uu yeelandoono imtixaan. Waxaan  rajeynayaa in imtixaanka la qaado dabadeedna naloosoo gudbiyo natiijadiisa si aan u ogaano inay arintu dhaqan noqoto oo ay macalimiintu ogaadaan in lagu dabagalayo wixii la siiyo, si ay iyaguna ay ugu gudbiyaan ubadka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirka waxbarashada ayaa ugu dambeyn ugu baaqay macalimiinta iyo maamulayaasha in dhir lagu beero dugsiyada waxbarashada si kor loogu qaado bilicda dugsiyada waxbarasho.

“ Waxaan ka naxaa runtii markaan arko dugsi aan dhiraysnayn, uu galaasku nadiif ahayn, uusan macalinku haysan sabuurad fiican. Dhammaan haddii aan nahay. mas’uuliyiinta waxbarashada dalka waxaa nasaaran waajibaad qaran oo ah inaan hormarino waxbarashada ubadkeeda, ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Barnaamijkaan lagu tababarayay macalimiinta ayaa wuxuu qeyb ka yahay mashruuc waxbarashadu waa iftiin oo ku deeqeen USAID iyo midowga Yurub waxaana fulintiisa iska kaashanaya wasaaradda waxbarashada iyo hay’ada CARE.

Daawo sawiradda.

DSC06050 - CopyDSC06051 - CopyDSC06053 - CopyDSC06058 - CopyDSC06061 - CopyDSC06062DSC06066 - CopyDSC06067 - CopyDSC06068 - CopyDSC06069DSC06071 - CopyDSC06076 - CopyDSC06077 - CopyDSC06078 - CopyDSC06079 - CopyDSC06080 - CopyDSC06086 - CopyDSC06088 - CopyDSC06092DSC06096 - CopyDSC06097 - CopyDSC06097DSC06101DSC06104DSC06107 - CopyDSC06109 - CopyDSC06112 - CopyDSC06118DSC06127DSC06129 - CopyDSC06134 - CopyDSC06135DSC06137 - CopyDSC06139 - CopyDSC06141 - CopyDSC06144 - CopyDSC06149 - CopyDSC06154 - CopyDSC06164DSC06168DSC06173 - CopyDSC06175 - CopyDSC06179 - CopyDSC06185 - CopyDSC06187 - CopyDSC06188 - CopyDSC06189 - CopyDSC06194DSC06195DSC06198 - CopyDSC06199 - CopyDSC06201DSC06203 - CopyDSC06207DSC06208DSC06212 - CopyDSC06213 - CopyDSC06213DSC06214 - CopyDSC06214DSC06215DSC06217 - CopyDSC06218 - CopyDSC06219DSC06223 - CopyDSC06225DSC06226 - CopyDSC06230 - CopyDSC06230DSC06238 - Copy

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

 

Scroll to Top