Wasiirka waxbarashada Dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame oo ka warbixiyay Natiijada safarkii uu ku tagay dalka Maraykanka.

07/09/2014,Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland mudane Cali Xaaji Warsame oo maanta ka waramayay safarkii uu ku tagay dalka Maraykanka ayaa sheegay jaaliyaddaha Puntland ee Maraykanka inay ka heleen balanqaad ku saabsan inay Puntland siinayaan  Computero  iyo 1 Milyan oo Buugaag ah.

Buugaagtaan oo isugu jira heerarka kala duwan ee Waxbarashada sida;-Dugsiyada hoose/dhexe, sare iyo Jaamacaddaha ayaa wasiirku sheegay in loo keeni doono Ardayda Waxka barata Puntland,iyadoo looga faa’idaysan doono in la geeyo goobaha Waxbarashada iyo Librariska.

Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in Jaaliyadda Minneaples ay Wasaaradda ka taageeridoonto helitaanka adeeg internet ah ugaar ah kaligeed.

“Waxaa jaaliyadda ka muuqatay dareen wanaagsan iyo inay aad u daneynayaan sidii ay wadanka wax ugusoo kordhin lahaayeen kaalintoodana u qaadan lahaayeen, waxaana kuwooda macalimiinta ah ku dhiiri galinay inay dalka yimaada si ay dadka wax ubaraan ” ayuu yiri wasiirka Cali Xaaji oo intaas ku sii daray inay jaaliyaddaha uga warameen xaalada guud iyo qorshaha dowlada ee xaga waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada ayaa sidoo kale soo dhaweeyay qorshe lagu mataaneenayo Magaalooyinka Boosaaso  iyo Minneaples  waxaana qorshahaan ka shaqeynaya jaalliyadda ee dalka Maraykanka.

DSC_0097

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top