Wasiirka waxbarashada dowlada Puntland oo soo dhaweeyay aqoonsiga shahaada dugsiga sare ee Puntland.

15/10/2014,Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa maanta soo dhaweeyay aqoonsiga shahaadada dugsiga sare ee Puntland oo kamid ah ahayd qodobadii kasoo baxay shirkii wada xaajoodka ee u dhexeeyay dowlada Puntland iyo dowlada federalka Soomaaliya.

Wasiirka oo wareysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegay aqoonsiga shahaadadu inay kamid ahayd qodobadii ugu muhiimsanaa ee ay dowlada Puntland u gashay hishiiskaan, Isagoo sheegay inay ahayd qadiyad muddo soo jiitamaysay oo taabanaysay mustaqbalka dhalinyarada iyo bahda waxbarashada Puntland.

Mudane Cali Xaaji Warsame wuxuu sheegay inay dadaal badan u galeen isaga iyo wasiiradii ka horeeyay sidii xayiraada looga qaadi lahaa shahaadada Puntland. Isagoo intaas ku daray inuu haatan ku faraxsan yahay inay noqoto qodobadii ugu horeeyay oo ay isku raacaan Puntland iyo dowlada dhexe ee federalka.

Wuxuu wasiirka waxbarashadu cadeeyay inay arimo siyaasadeed ka dambeysay  xanibaada lagusoo rogay aqoonsiga shahaadada Puntland ee dalka Suudaan, taasi oo carqalad weyn ku noqotay boqolaal kamid ah ardayda reer Puntland oo dalkaas ka helay deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah.

 

 XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

 

 

Scroll to Top