Wasiirka Waxbarashada DFKMG Oo Soo Booqday Xarunta Wasaarada Waxbarashada Puntland

Waxaa xarunta wasaarada waxbarashada Puntland si heer sare ah loo gu soo dhaweeyay wasiirka waxbarashada dawlada federlaka kumeel gaarka ah ee Somalia Prof  Axmed Caydiid Ibraahin oo  in muda ahna  ku sugnaa caasumada Puntland Garoowe kana mid ahaa wafuudii dhawaaan soo gaartay Garoowe uu hogaaminayay raysal wasaare Abdiwali Maxamed Ali Gaas .

 

Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamida labada mudane in ugu horeyn dhexmarto wada shaqayn wacan layskana kaashado xoojinta iyo tayaynta waxbarasho ee guud ahaan Somalia waxay kaloo carabka ku dhufteen in dhalinyarada soomaliyeed ee ku afoobay dagalada ka socda dalka loo sameeyo shaqa abuuris waxna labaro

Sidoo kale wasiirka waxbarashada ee DFMKG ayaa ka dhawaajiyay  in ay jiraan deeqa waxbarasho oo ay ka helaan wadamada taagera Somalia gaar ahaan dalka turkiga waxa uuna hoosta ka xriiqay in deeqahaas ay qayb ka heli doonto dawlada Puntland

 

 

 

 

 


wasiir juxa ayaa intaa kadib usameyay wafuuda wareejin uu kusoo wareejiyay dhamaan xafiisyada ay ka koobantahay wasarada iyo dhamaan waaxyaha iyo habka ay isugu xiranyihiin, wasiirka waxbarashada ee dawlada federalka ayaa gunaanadkii shirkan ka sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay kulan waxa uu kaloo sheegay in wasaarada ay ku talaabsatay horumar muuqda iyo mid la taabankaraba.

Scroll to Top