Wasiirka waxbarashada Dawlada Federalka Soomaaliya Iyo Wafdi ay Hogaaminayso oo maanta Puntland imanaya.

12/March/2015, Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka waxbarashada Dawladda Federalka Soomaaliya Drs. Khadro Bashiir Cali ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Garowe ee xarunta Dawladda Puntland, iyadoo Wasaaradda waxbarashada Puntland ay ku jiro qabanqaabada soo dhaweynta wafdigaan.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa ka qeybgalidoonta shirweynaha 2-aad ee dib u eegista qorshihii Waxbarasho ee sanadkii hore 2014-ka iyo in la dajiyo wixii ka qabsoomay iyo sidoo kale in sameeyo qorshaha waxbarasho ee sanadkaan 2015 iyo 2016-ka.

Shirkaan oo qabsoomi doona maalinta Axada ayaa waxaa kasoo qeybgali doonaan Wafdiga balaaran oo ay hogaaminayso Wasiirka waxbarashada Dawladda Federalka Soomaaliya Drs .Khadro Bashiir Cali oo maanta kusoo wajahan magaalada Garowe.

Sidoo kale,shirkaan waxaa kasoo qeyb galidoona Hay’addaha taageera waxbarashada Soomaaliya iyo Puntland sida;-Midowga Yurub, USIAD iyo global bartnership(GPE).

Waxyaabaha kale ee xooga lagu saari doono shirkaan waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka Wasaaradda waxbarashada iyo bulsho weynta reer Puntland.

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

 

Scroll to Top