Wasiirka Waxbarasha Puntland Abdulahi Maxamed Xasan iyo madax ka socotay Hay’daha Care iyo Save Children oo kormeer ku maray Gobolka Sanaag

Weftii uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarasha Puntland Abdulahi Maxamed Xasan oo ay weliyaan madax ka socotay Hay’daha Care iyo Save Children oo maalmahaam danbe kormeer ku marayay Gobolada Sanaag,Hayland,Bari iyo Karkaar ayaa maanta, si ballaaran loogu soo dhaweeyay deegaanka Qarxis oo ka tirsan Degma EYL ee gobolka Nugaal. 

Socdaalka mas’uliyiinta ayaa salka ku hayay xarig-jarka iyo dhisme lagu kardhinayo, dugsiga sare ee Qarxis oo ay dhismihiisa Hir-galisay HAY’ADDA CARE.

Wasiirka iyo madaxdii la socotay,waxaa deegaanka  ku soo dhaweeyay maamulka deegaanka Qarxis iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo aan u kala harin. 

Soo dhaweyn ka dib munaasabad lagu qabtay Schoolka Sare ee qarxis,waxaa ka qayb-galay maamulka Schoolka,Ardayda,macalimiinta,guddoomiyaha waxbarashada Degmada Eyl iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer qarxis. 

Maamulaha Schoolka Qarxis Abdirisaaq Ali Mirre ayaa sheegay in Hay’adda Care oo dhismaha Schooka fulisay iyo wasaaradda waxbarashadu ay u hagar baxday deegaanka Qarxis,islamarkaasna ay waxbadan u qabteen. 

Axmed Sheikh oo ku hadlayay afka Hay’adda Care ayaa sheegay  in ay muhiim tahay in wiilasha iyo gabdhaha,si isku mid ah waxbarashada loo geeyo,maadaama la dhisay qaarka mid goobihii waxbarashada. 

Wasiirrka waxbarashada Puntland Abdulahi Maxamed Xasan oo xarigga ka jaray Schoolka Sare ee Qarxis,ayaa sheegay in ay guul u tahay dadka reer Qarxis dhismahaas ay nasiibka u yeesheen. 

Dhanka kale wasiirka iyo Madaxda Hay’adaha Care  iyo Save ayaa dhagax-dhigay Dayr lagu wareejin-doono Schoolka Sare ee Qarxis,waxaana lagu dhisayaa mashruuca Waxbarashadu waa Iftiin oo uu maal-galiuo Midowga Yurub,ayadoo ay dhisi-dooonto HAY’ADDA Care.

Scroll to Top