Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo ka qayb galay shir Waxbarashada ah oo lagu daahfurayo Jubaland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Waftigisa uu ku waheliyo Agaasimaha waaxda mashaariicda tabaradada iyo Farasamada Gacnta Abdulahi Axmed Maxamud oo dib ugu soo noqday puntland
Wasiirka Wasaaradda Waxbarsahada iyo Tacliinta sare Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise ayaa ka qaybgalay daahfur Mashruucan oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub iyo hay’adda Care International ayaa ah mid lagu horumarinayo farsamooyinka gacanta iyo Tacliinta sare , waxaana ka qeybagalay xubno ka socday wasaarada waxbarashada dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka.

Mashruucan oo ay ku bixi doonto lacag dhan $3.8 Million ayaa ah mid dhalinyarada loogu abuurayo fursado shaqo ayadoo la barayo xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan, waxaa sidoo kale lagu horumarin doonaa tacliinta sare.

Ugu horeyn waxaa munaasibadda ka hadlay xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Yuusuf, isagoo sheegay in barnaamijkan yahay mid laga fulin doono guud ahaan dowlad goboleedyada dalka.

Mashruucan oo ah mid heer qaran ayaa waxaa kasoo qeybgalay wufuud ka kala socota wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo wafdi matalaya gobolka Banaadir.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinmta sare Prof: Abshir yuusuf Aw ciise ayaa ka hadlay ahmiyadda Waxbarsahada puntland u leeyahay mashruucan isgagoo ka hadlay waa in la helaa xirfadlayaal ka shaqeeya dalka

Madaxweeynaha Jubaland oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka mashruuca ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid faa’iido u leh bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in mashruuca lagu baahiyo guud ahaan gobollada dalka si ay uga faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

Hoos Ka Daawo sawiradda 

IMG-20170330-WA0027 IMG-20170330-WA0017 IMG-20170330-WA0018 IMG-20170330-WA0019 IMG-20170330-WA0020 IMG-20170330-WA0021 IMG-20170330-WA0022 IMG-20170330-WA0023IMG-20170330-WA0025IMG-20170330-WA0024

IMG-20170330-WA0027 IMG-20170330-WA0021 IMG-20170330-WA0023

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top