Xaflad lagu maamuusayo Xuska maalinta Calanka soomaalida 12/10/2019 ayaa ka qabsoontay maanatay Dugsiga Sare Alwaaxa Garowe .

Xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah u soo agaasimeen Maamulka Dugsiga iyo Gudiga Horumarinta Ardada dugsiga , waxa ka soo qaybgalay Wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawlada Puntland Abdulaahi Mohamed Xasan , iyo Aqoonyahan ka tirsan Puntland oo sharci yaqaan oo ka mid yahay Saalim Cabdalla Saalim.

Wasiirka Waxbarashada ayaa ka sheekey dhibkii loo Soomaray calanka Soomaaliyeed

Waxuu yiri Wasiirka” Markii uu Maxamed Cawaale Liibaan uu u soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaaradka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan..

Wasiirka Waxbarasshada iyo Tacliinta sare Abdulaahi Mohamed Xasan ayaa ka sheekey Taariikh kooban kuna dheeraday Taariikhda Calanka oo yiri Wasiirka” Calanka Waxaa la sameeyey Taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana sameeyey ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa nin wadani ah ayaa in badan oo Shacabka Soomaaliyeed ah aysan aqoon magaciisa iyo waliba Muuqaalkiisa, waana ninka Sawirkan ka muuqda.

Marxuumka ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo ayagu markii hore diiday Calanka Buluuga ah.

Maxamed Cawaale Liibaan illaahay Janadiisa haka waraabiyee wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay isla markaana aad u qiimeeya Walaaltinimada ummada Soomaaliyeed ee isku ISIR, AF iyo dhaqanba ah. ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Waxaa kalo Wasiirka Waxbarashada Puntland yiri” Runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey, sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda maanta joogta in ay ku daydaan doorkii wax ku oolka ahaa ee dhallinyaraddii Soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.

Ardayda Dugsiga sare Al waaxa ayaa hambalyo iyo bogaadin u direen Maanta ay ku beegnaynd Xuska Calanka farxad iyo rayn rayn, Ardaydaas oo soo bandhigeen maasooyin iyo Gabayao ku saabsan Maalinta Calanka.

Hoos ka Daawo sawiradda.
38

1

2

3

4

5

6

7

8

10

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

24

25

26

27

29

30

31

32

33

34

35

36

37

By: Deeq Hurevov Madaxa Xiriirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland.

Please follow and like us: