Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Mudane Abdi Farah Said (Juxa) oo ka qayb galay xafladii qalanjabinta

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda ee Dawlada Puntland mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ka qayb galay xafladii qalan jabinta dafcadii ugu horeysay ee wax ka baratay Jaamacadda Jigjiga ee Dalka Ethiopia. Wasiirku waxa uu si farxad ku jirto ula dabaaldagay ardaydii halkaas ku qalanjabinaysay.

Mudane Juxa waxa uu halkaa ka soo jeediyay khudbad heer sare ah oo uu kula taliyay ardaydii qalanjabisay in ay sii wataan waxbarashadooda si ay mustaqalkooda dambe u anfacdo. Wasiirku waxa uu ardayda mar kale ku baraarujiyay in aan kula laabtaan cilmigii ay barteen goboladii iyo degmooyinkii ay ka soo jeedeen si ay dadkoodii ugu faa’iideeyaan.

Wasiirku waxa uu hambalyey Maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia iyo guud ahaan Dalka Ethiopia oo sanad walba ardayda ka baxda sikuulkalada sare ee Puntland siiya deeq waxbarasho oo wax ku ool ah.

Daawo Sawiradii Xaflada Qalan jabinta dafcadii ugu horaysay ee Jaamacada Jigjiga.

 

Deeq Mohamed Warsame (Deeq Hure)

Head of Media Unit of MoE- Puntland

Contact number:- +252 907 743400

 

Scroll to Top